Baaq Taageero Ah Shirarkii Beelaha Dan-Wadaag Ee Ka Socoda Gobolada Dalka Somaliland

Baaq Taageero Ah Shirarkii Beelaha Dan-Wadaag Ee Ka Socoda Gobolada Dalka Somaliland

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta , Warbaahinta Tix-Gelinta Mudan Ee Dalka, Waxaan Si Gaar Ah U Salaamayaa Warbaahinta Madax Bannaan Ee Hadh Iyo Habeenba Uga Haqab-Tirta Warka Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland Bacdal Salaan, Waxaan Halkan Idinka Soo Gudbinayaa Baaq Taageero Ah Shirarkii Beelaha Dan-Wadaag Ee Ka Socoda Gobolada Dalka Somaliland

Waxaan Halkna Ka Caddeeynayaa Aan Waliba Tageersanahay Baaqyada Ka Soo Baxay Madaxdhaqmeedka, Salaadiinta, Cuqaasha Aqoonyahanadda, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Haweenka Iyo Dhalinyaradda Ka Soo Jeedda Beelaha Dan-Wadaag Shirarkii Balaadhnaa Oo Ay Ku Yeesheen Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorame, Gabiley, Oodweyne, Sanaag Iyo Burco. Isla Markaana Ay Ku Muujiyeen Taageeradii Ay Horeba Ugu Hayeen Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Ay Caddeeyeen In Aanay Waxba Iska Bedelin Beelaha Dan-Wadaag Ay Ka Midaysan Yihiin Taageeradaasi Ay Awalba U Hayeen Xisbiga Iyo Xukuumadiisaba.

Iyada Oo Uu Doonayo Xisbiga Waddani Inuu Majara-Habaabiyo Madaxdhaqameedkii Beelaha Beelaha Dan-Wadaag Aan Jirin Oo Iyagu Ay Doonayaan Inay Ku Shaqeystaan Magacooda,Waxaan Leenahay Xisbiga Waddani Waxa Ay Galeen Hawlo Dhaqan Oo Ka Baxsan Shaqadii Siyaasada Ee Loo Igmaday, Maadaama Kooxda Waddani Ka Mid Ahi Ay Gashay Hawlo Ka Baxsan Shaqadoodii, Sidoo Kalena Uu Baal Marsan Yahay Nidaamka Asxaabta Badan (Multi Party System) Ee Aynu Qaadanay Kaasi Oo Lagu Doonayo In Aynu Kaga Baxno Qabyaalada, Waxaanan Kula Talin Sumcadii Xisbi Qaran Meelbaad Kaga Dhacdeen,Sharaf Darona Waad U Horseedeen Milgihii Iyo Sharaftii Qaranku Lahaa,

Sidaas Darteed, Waxaanu Halkan Ka Cadaynayaa Anagoo Codkayaga La Garab Taagnahay Xisbiga Kulmiye Ugu Horeeyo Musharax Madaxweynimo Iyo Kuxigeenkiisa Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdiraxmaa Cabdilaahi Saylic, Waxaanu Leenahay Midho Guntigu Ku Jira ,Looma Daadiyo Mindho Geed Saaran , Ee Dabkii Baxayaa Dabkaa Lagu Qabsadaa Ayaanu Tareenku Idinka Tagin Ee U Hore U Soo Gaadha, Beelaha

Guntii Iyo Gunaanadkii Waxaa Dhamaanteen Xil Inaga Saaranyahay Sidii Uu Xisbigu Kulmiye Markale Ugu Guulaysan Lahaa Talada Dalka.

Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi .
Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso