Qaranimadu Way Tagi Haduu Maanku Talin Waayo. W/Q: Mohamed Gacayte

Inaan guulaysto mooyee, guuldaro qorshahayga kuma jirto Qaran ma inoogu dhismayaa? Sidaa waxa ka dhigan Xisbiga Wadani oo Gudoomiyahoodu 12 sano ku fadhiyay kursiga Wakiilada oo danahiisa siyaasada ku fushaday mudadaas, maalintii uu ka dagayna buuq iyo khilaaf huriyay, kadib markii ay ku tartameen labada nin ee isku deegaanka ah, guushuna ay ku raacday Gud. Baashe, waliba hal cod kaga guulaystay sida nidaamka dimuqraadiga ahi ee somaliland ka jira dhigayo guulbay u ahayd Wadani iyo Xildh. Talyanle si qurux badan oo gobonimo ah oo go,aan qaadasho ah ugu hambalyeeyay guusha walaalkii Gud. Baashe Maxamed Faarax.

Waxa nasiib daro ah oo Wadani ceeb ku ah oo Xildh,Talyanle ma hadho siyaasadeed ku ah hadalka daba keenka ah ee kasoo yeedhay isaga iyo Xisbigiisa Wadani. Waa laf jab qaranimo oon wax tudhaale ah wadan, waa arin ugub ku ah nidaamka Doorashada ee qaangaadhka ah, hore u may dhicin doorasho laysku gacan qaaday oo laysku haneeyay oo hadana dib loogu murmay. Way dhici kartaa in ninka tartamayaa saluugo habka codayntu u dhacday laakiin waa goorma waa ka hor inta aanu hambalyaynin guusha Musharaxii ay tartamayeen

Somaliland waxay kusoo caano maashay tartan xalaal ah iyo isku tanaasul, iyadoo laga dheeraanayo wax kasta oo qaranimada dhaawacaysa, Doorashadii Madaxtooyada ayaa kaabiga inagu haysa, arintan waxay fariin cad u tahay Doorashadan dhaw; waxa muuqata in Xisbiga Wadani oo usii tababaranayo khilaaf iyo muran lagaliyo doorashada hadii ay ku guuldaraystaan. Waxana marag madoon ah Xisbiga muran galiyay 78 xildhibaan oo aqal wada fadhiya inaanu muran la,aan aqbalayn Doorashada hadii lagaga guulaysto.

Waxa laga rabaa Xisbiga Wadani inuu danta gaarka ah ka horaysiiyo danta Qaranka. Inuu muujiyo Wadaniyad ku dheehan tahay laxejeclo dalka iyo dadka loo tudhayo, inay u hogaansaman Qaraarkii Maxkamada Sare, in golaha wakiiladu dhexdiisa ku dhamaysto wixii khilaafa iyadoo loo raacayo hab waafaqsan Xeerhoosaadka golaha. Xildh. Talyanle waa shakhsi qiimo badan sharafbuu mudan yahay inuu sidii hore ugu hambalyeeyay ku dhameeyo waliba la shaqeeyo Gudoomiyahiisa. Ugu danbayn Axsaabta qaranka waxa laga rabaa tartan xalaal ah oon cunfi iyo caadifad midna lahayn; Shacabka Somaliland isha ayay ku hayaan hirdanka iyo loolanka siyaasadeed iyagoo ku qiimaynaya Musharax kastaa halka uu ka taaganyahay Qaranimada iyo Jiritaanka Madaxbanaanida Somaliland.

Guul iyo Gobanimo.

Siyaasi Maxamed Gacayte
Hargeysa/Somaliland
Gacayte09@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso