Hargeisa Caasimadii Ayaxu Ku Habsadey

 

Sanadii 2012 waxa dalka oo dhan ka qabsoontey doorashadii dawlada ha hoose oo fursad dahabi ah u ahayd dhalinayradii ay hankooda ka guuxeysey iney mar uun talada wadanka ay qeyb ka noqdaan si ay uga midho dhaliyaan hiigsigoodii ahaa iney wadankooda horumarkiisa ay qeybtooda ka qataan.

 

 

Hamuuntaa  dhalinyarada ka haysey hogaanka dalka waxa kale oo qalbi furnaan iyo niyad  saafiya ku soo dhaweeyey dadweynihii guud ahaan dalka iyagoo aaminsanaa in mar uun ay ka haqab beeli doonaan adeegyada bulshada maadaama oo dhiig cusub iyo dhalinyaro firfircooni ay majaraha u qabanayaan hogaanka dawladaha hoose ee magaalooyinka.

Hilowgii iyo hankii furnaa ee bulshadu ku qaabishey dhalinyardii cusbaa ee  wadanka madaxda ka noqotey wuxu isku badeley ” KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR “. Taas oo niyad jab iyo caloolyow ku reebtay dad weynihii bacadka u taagnaa ee codkooda ugu hiiliyey kana qalbi jabey dhalinyaro ayaa wax saxeysa markey arkeen boobka iyo dhaca ay ku bilaabeen dantii guud.

 

Marka  waxaas oo dhan laga yimaado waxa gabi ahaanba meesha ka baxay masuuliyadii iyo xilkii umadu u dhiibatey ee ay ahayd inay ugu adeegaan bulshada ay wakiilka ka yihiin, waxaana loo kala dheereeyey in la boobo hantida iyo cashuurta laga qaado hooyada tamaandhada suuqa ku gedeysa.

 

Waxa marag ma doon ah in gabi ahaanba ay meesha ka baxeen adeegyadii bulsha sida WADOOYINKA, NADAAFADA MAGAALADA oo marka aad dhex mareyso caasimada hargeysa aad moodeyso meel aan cid loo xil saareyba aaney jirin hadey tahay maayir iyo golle degaanba. Waxaanu soo jeedineynaa in laga tashado magefeyaashaa lagu hungoobey ee hilfaha u laabey dantii guud iyo tii gaarka ahayd ba.

Waxana  adkaan doonta in mar danbe la aamino qof danbe oo yidhaa  dhalinyar ayaan ahay oo aniga ayaa idiin dhaami doona odayaasha idiinkana fiicnaan doona, waxana la is odhan karaa kuwani dhalinyaradii ayey qiimihii iyo sharaftii ka rideen wax ay usoo kordhuyaan daayoo.

W/Q:  Ahmed Mahamud  (Zeyd Khaliifa)

Kualumpur / Malasia:

Advertisement

Ku Xayeysiiso