Somalilandta Berri Qaabka Ay U Ekaan Doonto – Waxa Gundhig U Ah Xalka Lagu Gebegebeeyo Muranka Maanta Ka Aloosan Golaha Wakiillada.

 Somalilandta Berri Qaabka Ay U Ekaan Doonto – Waxa Gundhig U Ah Xalka Lagu Gebegebeeyo Muranka Maanta Ka Aloosan Golaha Wakiillada.

(Rasheed A Meigag Samater)

Bulshada Somaliland waxa markale soo waajahday xaalad aan hore loo saaadaalin, oo si lama filaan mar keli ah loogu waaberiistay, kadib dhawr cishoo oo qudha markii Guddoomiyihii Golaha Wakiillada hoggaaminayay muddo 12 sannadood ah Mudane CabdiRaxmaan Maxamed Cabdillahiaan Cirro uu xilka ka degey, muddadaasi Cabdiraxmaan gadh-wadeenka ka ahaa golahana aan marnaba ceeb tanoo kale ihi ka soo yeedhin. 

Garsoorka iyo caddaaladda Somaililand ayaa tijaabo culus soo martay dhawr goor oo hore, taasoo ay u dambaysay Qaddiyaddii ama gartii loo qaaday Mudane Jamal Ali Xuseen iyo Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Xisbiga UCID, bulshaduna indheer garad iyo inyar garadba iyagoo soo wada tuban, ay khiyaamadii iyo wax-isweydaarintu ka guulaysatay runtii, daacaddiina hungow mooyee hiil ku weydey. Hase ahaatee garsoorkaasi wuxu si gaara u saamaynayay mustaqbalka Murashaxii Madaxweyne ee waqtigaas Mudane Jamal iyo taageerayashiisii oo keliya – halkase garsoorka iyo go’aanka laga gaadho murankan maanta ka qarxay Golaha wakiilladu, uu saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan doono doorashada innagu soo fool leh bisha November ee sannadkan, iyo guud ahaanba qaabka dal ahaan iyo dad ahaanba loogu noolaan doono xuduudaha ay leedahay Somaliland.

Is weyddiintuna waxay tahay, arrintan oo jiritaankeena khusaysa ayaa ah mid shacab iyo xukuumadba horteena ka dhacday, muwaaddin kasta oo oo qaan-gaadh ihina waa ka garsoore, ee ma waxaynu ahaannaa ummad qaladka iyo saxa aan kala aqoon – oo ay isugu mid tahay labadu, amase aan lahayn dareenkii iyo damiirkii loogu kala hiilin lahaa caddaaladda iyo caddaalad darrada, mise belaayo madax la qabtay leedahaye – waynu horjoogsannaa markii ay taagan tahay, oo ifkeenna iyo aakhiradeenna ayaynu u tudhannaa?, oo weliba marka si hagar la’aan ah loo baadho, ayaynu ciddii ku lug yeelatana farta ku fiiqnaa oo marinnaa hadba waajibka inagala gudboon?…

WA Billaahi Tawfiiq

Rasheed Ali Maygaag Samater

Hoggaaamiyaha Jaaliyadda Somalida W.London   

   

Advertisement

Ku Xayeysiiso