Hardanka Buuhoodle, Hagardaamada Isimada iyo hungada ka dabaysa!!1

Tan iyo markii magaalada Laascaanodd ee gobolka Sool ay gacanta maamulka Somaliland gashay waxa dadka degaannada SSC kusoo badanayey khalkhalka iyo jaahwareerka Siyaasadeed, taasoo dhalisay in kooxo is diiddan oo kala dano ahi ay usoo qalabqaateen siday koox waliba usheegan lahayd inay tahay kooxda xaqa ah ee u taagan inay xal u hesho xaaladda degaannadaasi. Waxaynu soo aragnay kooxihii NSUM, kooxdii  Hoggaanka SSC, Kaafi Community iyo aakhirkii kooxdii waxaaba isku liqday ee Khaatumo.

 

Haddaba aan eegno wixii dhacay intii kooxda Khaatumo ay saaxada kusoo biirtay maxay soo kordhiyeen? Xaggayse maanta xaaladdoodu taagan tahay? Waxaynu kaloo milicsanaynaa Madax dhaqameedkii degaanka oo muddo hadda sannad laga joogo iclaamiyey shirweyne toleed kuna baaqay in dhammaan dadka Dhulbahante shir isugu yimaaddaan magaalada Buuhoodle fikirkay doonanaan ha aaminsanaadeene, xaggee shirkaasi ku danbeeyey.

Khaatumo

Laga bilaabo bishii Janaayo ee 2012 intii kooxda Khaatumo saaxada kusoo biirtay waxa degaannada SSC la kowasadeen, colaado sokeeye oo reeraha dhexdooda ah, tafaraaruq iyo tuhun hor leh iyo is aamminaad daro reeraha dhexdooda ah, degaannadii SSC marka laga reebo degmada Buuhoodle dhammaan oo ku wareegay maamulka Somaliland, dhaqan burbur, aflagaaddo aan loo meel dayayn (oo laba sharciyeeyey). Arrimaahaasi waxay sababeen in intii markii hore taageertay kooxdan Khaatumo oo run ahaantii la odhan karo waxay ahaayeen dadka badidiisa ay aakhirkii dareemeen waxay filanayeen wax ka geddisan. Waxyaalaha la yaabka leh waxa ka mid ahaa in qofkii ka mid ah masuuliyiinta Khaatumo ee hadal kasoo celiya jihada loo socdo hadduu baarlamaan yahay iyo hadduu goleha wasiirrada ku jiro amaba ka mid yahay taliyeyeyaasha ciidammada in xilka laga xayuubiyo. Waxa kaloo iyana la yaab ahayd in qofkii ka mid ahaa taageerayaasha Khaatumo ee saluuga sida wax loo wado in loo qaybiyey dad aflagaaddeeya oo shabakadaha saxaafadda kusoo daabaca, amaba qolal telefoonno oo loo furay taageerayaasha daacadda ah laga aflagaadeeyo amaba shaaracyada laga caayo.

Sannadkii 2016 Bishii Agoosto ayaa waa cusubi ku beryay taageerayaashii Khaatumo markay Caynaba ku kulmeen Khaatumo iyo Somaliland. Arrintani waxay dhashay in Khaatumo laba u kala jabto, Khaatumada Cali Khaliif iyo Badbaado Khaatumo. Waxa kaloo waqtigaas ka hor yimid dhammaan Isimmadii SSC marka laga reebo Garaad Jaamac Garaad-Cali. Waxa kaloo markii wadahaddalada Khaatumo iyo Somaliland sannadkan bilowgiisii si rasmiya u bilaabmeen soo baxay garab cusub oo afraad oo kasoo go’ay firqadii Dr Galaydh kuwaasoo la baxay Guurtida Khaatumo (ex G11).

Madaxdhaqameedkii

Madax dhaqameedkii ku baaqay shirweynaha toleed ee loo dhan yahay, waxay muddo haysteen taageerada ugu badan ee dadka Dhulbahante waxaana dad badani u arkayeen in sida Isimmadu ku baaqeen ee ah in hab qabiil la’isugu yimaaddo oo tolnimo loo wada hadlo iyadoo la eegayo duruufaha dadka SSC ku gedaaman iyo qaabka “suurto galka ah”. Shir toleedkan Isimadu ku baaqeen  waxa loo arkay inay tahay sida ugu habboon ee xal loodhan yahay loo raadin karo, kalsoonidii iyo tolnimadii dhaawacantayna dib loogu dhayi karo loona wajihi karo mustaqbalka iyadoo la isu dhan yahay. Nasiib darro muddo bil iyo badh hadda laga joogo ayaa isimmadii shirka Buuhoodle laga sugayey lagu war helay iyagoo diyaarad kiro ah gundhada jaray oo Xamar ku xerooday. Arrintani dareen hor leh ayay ku ridday intii Isimada markii hore aammintay ee taageertay kana dhur sugaysey.

Maxaa safarkii Xamar ee Isimmadu soo kordhiyey?

Isimadii looga fadhiyey inay keeni doonaan fikir isu keena dadkan kala irdhoobay ee aragtyaha is khilaafsan kala xambaarsan sida Puntland, Somaliland, Khaatumada Cali Khaliif, Badbaado Khaatumo, Guurtida Khaatumo iyo in badan oo aan meelna raacsanaynba, waxay qayb ka noqdeen khilaafkii jirey iyagoo raacay garab ka mid ah garabyadii Khaatumo. Arrintani waxay sababtay inay isimadu lumiyeen dhexdhexaadnimadii laga filayey Isimadii Dhulbahante oo lumiyey dhexdhexaadnimadii

eeg qoraal aan arrintaa kaga digay. ……………….

Isimmadu waxay garabsadeen firqadii ugu danbeysey ee kasoo fallaagoowday Dr Galaydh oo la baxday “Guurtida Khaatumo”. Kooxdan cid masuuliyad u dhiibatay ma jirto haba yaraatee, waa koox iskeed isu cugatay oo wadaaga dano gaara oo mideeya. Eeg qoraalkan   Yaa dirsaday kooxda G10

Waxay Isimmada iyo kooxdani ay si wadajir ah u hawlgeliyeen koox uu hoggaamiyo Cabdalle Cagalule kuxigeenkii hore ee Dr. Galaydh. Saddexdan kooxood ee is garabsaday waxay diyaarad soo saareen Cabadalle Cagalule si uu awoodda ugala wareego Dr Galaydh. Intaa ka bacdi sidaad la socotaan waxa Buuhoodle loogu jabay laba garab oo mid waliba sheeganayo “Madaxwynaha Khaatumo iyo Maamulka Khaatumo”

Tani waxay sababtay khalkhalkii hore uga taagnaa Buuhoodle oo in muddo ahba la ciirciiraysay culayska Dr Galaydh iyo firqadiisa, inay isimmadii iyo G11 mid kale ku soo kordhiyeen. Waana nasiib darrada ummadan haysata.

Dantiyo ka ilduufnay dawgiiyoo

Durbaan beenaa na daashadayoo

Inaan la degeynin dayrtiyo gu’ga

Dagaalka Shaxdaa daliil u ah (Xaaji 09-08-17)

 

Maxay xaaladdu ku danbayn kartaa?

Dagaal siyaasadeedka Buuhoodle ka taagan ee u dhexeeya labadan garab ee Khaatumo waxa muuqata in maalmahan ay gacanta sare lahaayeen garabkii is biirsaday ee Cabdalle Cagalule, G11 iyo Isimmadii Xamar. Waxa muuqata in Dr Galaydh ku jiro go’doon dadkiina badi kasoo taagan yihiin. Waxaanse odorosayaa in Dr Galaydh aanu weligii isdhiibayn ciddiyahana ku dagaallamayo. Dr Galaydh khibrad, aqoon, iyo waayo aragnimo siyaasadeed oo qoto dheer ayuu leeyahay markasta oo uu go’doon galona meel aadan ka filanayn ayuu kasoo baxaa. Waxa muuqata inuu xadhko badan isku xidhayo kooxdan Cagalulena uu daalinayo sugayona inta sahaydu ka dhammaanayso. Waxaynu ayaamahan maqlayney isagoo qaylodhaan u dirsanayo tolkiisa Siyaasadeed ee Somaliland, aakhirkiina Somaliland way kasoo jawaabeen qaylodhaantaa. Waxa xaqiiqo ah inuu sahay kasoo qaatay safarkiisii Widhwidh marka ay habboonaatona uu sahaydaa Buuhoodle la imaanayo halkaana dib uga bilaabayo dagaal rogaal celis ah. Reer Buuhoodle waxay xarfaan ku yihiin sida looga dhex faa’iidaysto waxyaalo is khilaafsan waxaana hubaal ah inaanay dhabarka u jeedinayn safarka sahayda ah ee Dr Galaydh keeni doono.

Waxa kaloo hubaal ah in kooxda Cagalule aanay reer Buuhoodle taageeradooda sii haysan doonin haddaanay helin sahay joogto ah, taasina ma muuqato inay heli doonaan. Arrintani waxay ku danbaynaysaa in xamaasaddii kooxda Cagalule aanay sii waarayn aakhirkana Dr. Galaydh kusoo hadhi doono Buuhoole. Waxaan kaloo odorosayaa Dr. Galaydh guushiisu inay ku koobmayso inuu kooxdan Buuhoodle kaga awood roonaado laakiin aanay isaga laftiisa u suurto gelayn inuu Buuhoodle ku wareejiyo Somaliland ee isaga laftiisu hungo iyo hargo madhan aakhirka Buuhoodle kala huleeli doono.

Ninkii bayr lihi ha boodboodoo

Berberiyo ha u dhoofo Boorame

Buuhoodle weli waa barteedii

Weliba balligiina waa’u buuxaa!!! (Xaaji 01-07-17)

Maxaa ku danbayn mustaqbalka degaannada SSC?

Waxay ku danbayn laba arrimood midkood

1)      In dawladda Federaalka ahi iyadoo gudanaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta midnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya ay u guntato inay degaannada SSC ka hirgeliso Maamul hoostaga DFS si la mid ah sidii loo dhisay Galmudug iyo Hir-Shabeelle, iyaduna tuurta u ridato masuuliyaddaas. Eeg qoraalkan Buundada Midnimada Soomaaaliyeed

2) In dadkaasi duruufaha ku xeeran awgood ay iyagoo habqan ah dadka u galaan Somaliland halkaana lagu waayo midnimadii umadda Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda waxa caddaatay a) in dadka SSC ay awoodi kari waayeen inay midoobaan. b) Inay waayeen tol mideeya oo u hiiliya. c) Inay waayeen dawlad u hiilisa oo la ilaalisa nidnimadii Soomaaliyeed.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com.

Advertisement

Ku Xayeysiiso