Gudaha Ka Eeg :Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey degmada Awr-Boogays

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo oo la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland u jooga Gobollada bariga dalka, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Awr-boogays ee Gobolka Sool maanta.
Weftigan oo ka kooban masuuliyiin sarsare oo KULMIYE ah iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, waxa degmada Awr-boogays oo ay gaadheen goordhawayd ay ku qaabileen boqolaal dadweynaha ku dhaqan ka mid ah, madaxdhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo caleemo-qoyan iyo calanka xisbiga ku soo dhaweeyey.
Garaadka Guud ee degmada, xubno madaxdhaqameedka cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka ka mid ah oo hadallo ka jeediyey xaflad loo sameeyey soo dhawaynta ka hor intii aan la cunin casuumad sharafeed qado ahayd, ayaa weftiga Guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashada ay ugu yimaadeen oo ka markhaati kacaysa sida xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu u danaynayso horumarka degmada iyo guud ahaan Gobolka Sool.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso