Gudaha Ka Eeg :Musharaxa Xisbiga Waddani Oo Kormeeray Goobaha Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Laascaanood, Fariina U Diray Shacabka Gobolada Sool Iyo Sanaag

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa kormeer ku sameeyey goobaha dadweynaha magaalada Laascaanood ay ka qaadanayaan kaadhka codbixinta doorashada Madaxtooyada.

Kaadh qaadashadan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos-yimaada gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Weftiga uu hogaaminayo Musharaxa xisbiga Waddani uu u kuurgalay qaabka ay uga bilaabantay gobolka Sool gaar ahaan Laascaanood qaadashada kaadhku.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu u sheegay warbaahinta markii uu kormeerkaasi soo gabagabeeyey in dhamaan magaalada Laascaanood ay si fiican uga socoto kaadh qaadashadu, isagoo sidoo kalena fariin u diray shacabka labada gobol ee Sool iyo Sanaag ee kaadh qaadashadu ka socoto oo uu ku booriyey dadweynaha inay kaadhka qaataan si ay fursad ugu helaan xaqa ay u leeyihiin inay codka doorashada Madaxtooyada dhiibtaan marka la gaadho.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed CAbdilaahi (Ciro) oo arinta kormeerkaasi iyo kaadh qaadashada Laascaanood ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaanu ku suganahay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, waxaanu soo booqanay goobaha laga bilaabay bixinta kaadhadhka codbixinta, hada waxaanu hor taaganahay xarunta gobolka Sool oo laga qaadanayo kaadhka, dadku si wanaagsan ayay u qaadanayaan” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu sidoo kale baaq u diray dhamaan shacabka ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanu yidhi “Waxanau ugu baaqaynaa dhamaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaana gobolka Sool iyo Sanaagba inay muwaadiniintu qaataan kaadhadhkooda, Faldal kaadhadhka qaata, fadlan kaadhadhka qaata” ayuu yidhi Musharaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Labadan gobol ee Sool iyo Sanaag ee ay ka bilaabantay qaadashada kaadhadhka codbintu ayaa noqonaya labadii gobol ee ugu dambeeyey, iyadoo hore dhamaan kaadhqaadashadu ay uga soo gabogabowday gobolada kale ee Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso