Maxaynu ka baranaynaa kacdoonadii wadamad carbeed ee gilgilay wadamadaas


Sanadkii 2012 , waxaa u ahaa sanad saamayntiisa lahaa oo isbadelo ka dhaliyay wadamada carabta badankooda , waxaa uu sidoo kale ahaa sanadkii dhacdooyinkiisa caalamku kawada war helay 

Waxaa u ahaa sanad kumanaan kun oo ruux u dhinteen siday isbedel nololeed ku heli lahaayeen , oo iskaga kicin lahaayeen madaxdii digtaatoriga ahaa kuwaasoo soddoneedyada sanno ama in ka badanba xukumayay , ee madaxa kaga taagnaa . 

 Kacdoonkaasi wadankii ugu horeeyay ee ay ka  bilaabmeen  waxaa uu ahaa dalka tunizia dabadeena waxay noqdeen tusbax furmay , oo dalal badan oo carabtaa kacdoonkaasi wuu gaadhay .

 Kacdoonadaasi wadamo isbedel ayay ka dhaliyeen oo hadafkii ay ka lahaayeen way ka gaadheen ahaa iinay iska afganbiyaan maamulkaa digteetarka ah ee haystay sida tonizia iyo masar , walow markii ay rideen aanay isbedel sidaa usii buuran aanay ka gaadhin se ay xoriyad heleen uun , oo meesha kasaartay baqashadii  xooganayd  ee maamulka laga baqaayay digteetarkaa , Halkay kacdoonadaasi wadamo kale fawdo u horseedeen oo ay meesha kasareen hadafkii ahaa in maamulkaa digteetarkaa la iska afganbiyo oo uu , kacdoonkii isu badalay in qabaa,ilo la isku laayo oo qabiil kastaa hubkiisa labaxo, dabadeed wadamo dhawra oo carabeed sida yemen , suuriya , ciraq ay ku baaba,een , oo ay kumanaan iyo kumanaan dadii ku naf waayeen, malaayiin malaayiin kalena noloshii ay markii hore ka dayrinayeen mid kasii daran ay galeen , oo ay ka qaxeen magaalooyinkoodii iyo guryahoodii ay ku noolaayeen oo ay noqdeen qaxoonti u kala firdhada daafaha dunida oo dhan.

 Hadaba akhriste , aqoon yahan maanta isbedel ma u baahanay inagu ? Jawaabtu haa haday tahay , waxaa iswaydiin mudan isbedelkaa xagaynu u mari karnaa ma inaynu kacdoon kuwaa carbeed la mida aynu samayno ? waa maya oo inagu waynu ka nasiib wanaagsanay wadamaa carbeed oo waxaynu leenahay vote , aynu isbedel ku gaadhi karno , oo si xoriyada aynu  ku dooran karno cida ina  hogaaminaysa .

 Taa macnaheedu yahay inaynu inagu iskugwacanahay horumar la,aantan wadakeena ka jirta , waayo waxaynu codkeena kusoo saarnaa musharax aynu leenahay waa tolkaygii, oo aynaan wax ahdaafa ku dooranin uu hiigsanayo , kaliyee ku doorano waa tolkay , taa natiijadeediina waa inagaa hayna maanta ee aynu ka oomanay , horumar kaleba dhaafoo.

 Dhalinyartaay , dayartaay , aqoonyahanadaay , maanta waxaan idiin sheegayaa sidaynu is bedel togan aynu ku gaadhi lahayn , uga bixi lahayn camal la,aantan dalkeena ka jirta , uga bixi lahayn ladagaalkan aynu ladagalamayno saddexdii waqti , uga bixi lahayn tahriibkan dhalinyarteenii ku dhamaadeen , oo waa maxay ? Waa inaynu dhalin yaro midowno min bari ilaa galbeed , waa inaynu internetka kasamaysanaa bage ina mideeya oo aynu macluumaadka ku kala qaadano , si codkeena u siino murashaxa aynu ku qanacno qorshihiisa , ama aragtidiisa dhaw iyo ka fogba ee dalkeenan sixir bararka , nafaqo darada , oonka , iyo shaqola,aantu ragaaadisay , uga qorshaysan sida uu kaga saari lahaa .

Dayartaay ,  aqoonyahanadaay maanta aqoonbaad barateen , dayarta aqoonyahanadaay maanta inagaa isku hiilin karna ,inagaa u hiilin karna saaxiibadeenii iyo walaalaheenii firdhaday ee ka firdhaday mustaqbal la,aanta  iyo nolol xumida dabadeed badwaynta iyo saxaraha qalalan inagaga dhintay  inagaa  iska saari karna  waqtigii inagu  dhaafay mustaqbal la,aanta , waayo maanta si madaxbanaan ayaynu ku dooran karnaa musharaxaynu ku qanacno aragtidiisa u qorshaysan .

 Maanta caqli ma keena , maantaynu jaanis haysanaa ee ma ka baxnaa qabyaalad iyo reer hebel , madoorana hogamiye aqoon iyo karti leh , inaga saara biyo la,aanta , sixir bararka iyo diifta bulushadeena ka muuqataa inagoo mida jawaabtu waa haa , haa , hadaba si dagdaga pagekaan soo sheegay netka aynu uga samaysano , dabadeed bage kaa aynu kusoo bandhigno saddexda musharax qorshayaashooda iyo artagtidooda u dajisan , kaynu ku qanacnana aynu u codaynu inagoo mida u hiilinayna mustaqbalkeena , oo aynaan maqlin siyaasiga inagu guurayaa ee ina odhanayaa idiinkaa tolkayee isoo saara hadhawna kugu maraya tiknikada hubaysan , waxuu kuu taro dhaafo.

mohamed abdirahmaan ( dhumiye ) .

allaa mahadleh

maxaynu ka baranaynaa kacdoonadii wadamad carbeed ka dhacay ee gilgilay wadamadaas .

aynu u codaynu inagoo mida u hiilinayna mustaqbalkeena , oo aynaan maqlin siyaasiga inagu guurayaa ee ina odhanaaya idinkaa tolkayee isoo saara hadhawna kugu maraya tikniko hubaysan 

mohamed abdirahmaan ( dhumiye)

m_khadar02@hotmail.com

   allaa mahadleh

Advertisement

Ku Xayeysiiso