Garnaqsi : Daacadnimada Baharsame ( BH), Isdiwaangelinta Ugaadhyahan ( UG) iyo Doorashada Somaliland

Garnaqsi: Daacadnimada Bahararsame (BH), Isdiwaangelinta Ugaadhyahan (UG) iyo Doorashada Somaliland.

Afeef dadka halkan ku garnaqsanaya kuma jiraan inta aan ka midka ahay ee aan weli ku qancin goonni isutaagga Somaliland.

Inqilaab 1961 BH.
Mujaahid Siciid Cali Giir wuxuu ka qayb galay inqilaabkii Xasan Kayd.

Derisnimo iyo Dagaal UG.

Waxaynu deris ka nahay inta u dhexeysa Ceerigaabo ilaa Adhicaddeeye. Haddii dagaal yimaaddana innagga is huran, hadday dheef iyo dhaqan timaadona innagaa is hurran. Waxaannu kaloo deggannahay inta u dhexeysa Qardho ilaa Yoocada (Garoowe) waana xuduudda aynu la leenahay koonfurta Soomaaliya. Xuduudda annagaana xidhi karna furina karna.

Saaxiibtinnimo hore BH.

Marxuum Cali Garaad iyo Marxuum Madaxweyne Cigaal waxay ahaayeen saaxiibbo siyasadeed oo soo wada kifaaxay xidhiidhkaasna waa inaydaan ka bixin annagu xaggayaga waa ka xejinaynaaye.

Saaxiibtinnimo hore UG.

Hadday saaxiibtinnimo Madaxweyne la yimaaddeen walaalahayo, Madaxweyne Siilaanyo iyo AHN Qareen Muuse-Idaar ilaa Dugsi hoose say u wada bilaabeen ilaa uu Muuse Idaar AHN ka geeriyooday ceeshoow milix bay ahaayeen.

Mujaahidnimo.BH

AHN Garaad Cabdiqani iyo Siciid Cali Giir waxay ahaayeen raggii SNM-ta u badheedhay inay taageeraan oo weliba u ban baxay. Waa raggii xuddunta u ahaa shirkii Balligubadle oo lagu dejiyey qarankan seeskiisa. Waxaa kaloo intaa noo dheer xilligii daraawiishta Garaadkayagu (Aar Dheel) wuu ka soo horjeestay Sayidkii wuxuuna garabka saaray fallaagadii reer Sheekh Isaxaaq sidaas ayaa aakhirkii Daraawiishii ku dishay Majaahid weyn buuna ahaa.

Mujaahidnimo UG

Annaba Mujaahidiinta waxaannu ku lahayn Mujaahid Yaasiin Axmed Xaaji Nuur, oo ka mid ahaa ragii ugu horreeyey ee la baxay SNM-ta, iyo AHN Fagadhe iyo AHN Sarkhaan oo ahaa raggii gudaha ka dagaallamayey.

Shirkii Burco 1991: BH

Saddexda nin ee saxeexay shirkii Burco ee qarannimad Somaliland dib loogula soo noqday saddexduba reerkayagay ahaayeen. 1) Garaad Cabdiqani 2) Caaqil Axmed Xirsi Cawl 3) Aw-Daahir Xaaji Xassan.

Shirkii Burco 1991 UG.

Annagu shirkii Burco dadkii diiday inaannu saxeexno ayaannu ahayn, waana ta keentay in ilaa maanta Somaliland kala dhantaalnaato. Haddaanu imminka ku qanacnona waannu midayn karnaa Somaliland.

Doorashada 2017 BH.

Annaga guddoomiyaha Baarlamaanku waan dhankayaga mar hadduu kursigii ugu sarreeyey Dhulbahante ku fadhiyona isagaa keenaya codka Dhulbahante.

Doorashada 2017 UG.
Doorashadu waxay ku xidhan tahay dadka isdiwaan geliyey waadna ogtihiin dhulka diiwaangelintu ka dhacday iyo dadka isdiiwaan geliyey, annagu 50,000 oo cod baannu haynaa oo ka soo kala baxay Gobolka Xaysimo, Waqooyiga Sool, iyo Sanaag.

Dooddii markay halkaa maraysay waxa la wareegay kooxdii xukuumadda Somaliland

Jawaabtii Somaliland: War horta dacwaddiina waannu dhegeysannay waxa noo soo baxay waxa weeye.

BH: Waxaad haysaan xidhiidh hore iyo daacadnimo 
UG: Waxaad haysaan Miisaan iyo cod. 

Sidaa daraaddeed, markaannu qiimaynay xilliga maanta lagu jiro waa xilli doorasho. Waadna garanaysaanoo nin doorasho ku jiraa cod buu doonayaa, sidaa daraaddeed, maanta dhanka codkaannu raacaynaa waannuna ku khasbannahay.

Qoladiinna BH waxaannu idin leenahay dee saaxiibtinnimadii iyo daacadnimadii maannaan illaawin markaannu soo baxnona idin illaawi mayno ee waannu idin wanaajinaynaa.

Markay sheekadu halkaa maraysay ayaa oday guddigii BH ka mid ahi yidhi, “waxaannu illownay dee Cali Khaliifna xisaabta noogu dara isna waa xaggayagee waana Mujaahid cusube” 
Oday guddigii Somaliland ka mid ah ayaa qoslay oo yidhi “war ninkaasi waa xadhig lama sitaanoo cid aamminaysaa ma jirto hadduu cid kale waayo isagaa naftiisa la dagaallamaya, dee abtiyaal beryahanna Proffassorka afkay kaga hadhayoo xadba malaha, aan idin la kaftamee Cali Khaliif waa nuqsaane bal dib inoogu dhiga arrinkiisa” 
Intaa dabadeed waqti danbe ayay noqotay, kooxdii xukuummaduna safar bay dhanka Sool iyo Sanaag ugu soo baxeen si ay u dhiirri geliyaan qaadashada kaadhadhka doorashada.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmalil.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso