Xisbiga Waddani: Musdambeed Talo Xun

 

 

Xisbiga Waddani musdambeedkiisa ayaa fargalin ku sameeyey doorashaddii Gudoomiyah Golaha Wakiilada ee shalay lagu doortay fadhigii Golaha Wakiilada oo ay ka soo xaadireen 79 Mudane. Mudanayaashii  Golaha Wakiilada ay cod gacantaaga ah  ku codeeyey – 39 mudane ayaa u codeeyey Baashe Maxamed Faarax. Caddiraxmaan Talyanle waxaa u codeeyey 38. Codbixintaasi waxay ahayid mid cad oo cidna mugi ka saarayn. Taasina waxay ahyid mid uu ku qancay Cabdiraxmaan oo ugu hambalyeey, Baashe. Gudoomiyihii hore ee 12 sanadood hor joogaha ka ahaa u isnau hambalyeey Baashe. Balse xalay maxaa kalifay in cabdiraxamaan Talyanle oo ahaa  nin loo haynwaynaa in  taladdii xaraynta ahayid ee musdambeedka Waddani lagu badalo?

 

Maqaalkan  ayaa ku doodaya in talada xaaranta ah ee Musdambeedka Waddani  ay tahay ta goaankiisi xalaasha ahaa mid xaraan ah ku badashay. Maxay yihiin kuwan la magac baxay Musdambeedka  Xibsiga ee sida cad talada xisbiga u haga is qayrul  distoori ah? Waa maxayse doorka hogaamineed ee ay ku leeyihin xisbiga Waddani? Musdambeedka Xisbi ayaa isagu talada  Xisbiga la wareegay ilaa intii xisbigaasi uu noqday Xisbi Qaran.  Goaanad ugu muhiimsan  ee  Xisbigan  ay iyaga taladooda ka godo. Musdambeedka Xisbiga ayaa waxaa fursada siiyay xil gudasho la’aanta, gudoomiyah Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro oo ka doortay inuu u banbaxo musharaxnimada maddaxtinimada iyo hogaaminta xisbigiisa, kana doorbiday ta gudoomiyah golaha wakiilda – waana mid u ilaa wiigan oo in kabadan 12 sano  hogaan xumo la hor fadhiyay. Hogaamiye xuna fowda ayaa laga dhaxla.

 

Hadaba Musdambeedka ayaa ha kuwa si shaci daro ah ugu takari fala talada xisbiga. Goaamada ugu waawayn iyagu fulinteeda iska leh, siday haday tahay  deegamo heshiis lala gaalayo. Musdambeedku xilal kuma magacwna, tusaale ahaa sida Duur iyo Siciid Sulub balse waa kuwa si wayn uga muqda warbaahinta. Hogaan xumada xisbigana waxaa si naaxiyay, wasiiraddii ugu talada iyo garashada xumaa ee ku soo biray xisbiga Waddani ee caqliga u daba fadhiyay, Xirsi.  Maddaxwaynaha Somaliland yaa isgaoo oo eber ah ina baray Xirsi, waxaanu ugu abaal ugday in isku dayay in magiicasa iyo tariikhsiisaba godmadow dhigo.  Waa  abaal laawe qaranka Somaliland laba jeer isku dayay in dhulka afka u daro – dawaladdii maddaxwaynihii hore u samaysatay dayday xasilooni daro dalka ka rida.

 

Xisbigan Waddani ayaa hogaankiisa liita, Musdambeedkiisa iyo wasiiraddii Xirsi caqliga u haa ayaa taariikhda waxaan Somaliland iyo aduunka ka dhicin la shir yimid habeen hore. Waxay ahyid, iyadoo lagu kala calaf qaaday doorashaddii gudoomiyanimada golaha wakiilada islamarkaana la isku hambalyeeye ay Cabdiraxaam Talyanle dagto u soo saran  talo xumo ay ku suntan yihiin – waxay ku yidhahdeen ka noqon goaankii aad ku caqbashay in lagaa guulaystay. Tala xumadaa iyo hogaanka liita xisbiga Waddani kusuntan yahay, waxay ahyid tii ninkasta oo  waxgarad ihi oo anigu ka mid ahaa ka huleelay xisbigaasi. Waa Xisbi khatar ku ah qaranimada Somaliland ilaa imikana ku olaleeya doorashada maddaxtinimda wixii ka soo baxa in aanay caqbalin.  Waa Xisbi ay isagu soo urursadeen dadka u Ismaciil yare iyo  wasiiraddi Xersi caqliga u yihiin. Waa Xisbi afo ku ah qarankeena tanina  tusaale inoo tahay in yihiin kuwa dalkan iyo dadkiisaba u tudhayn.

 

Waa Qalinkii Axmed Cabdi Ciise

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso