Muruq mooye Cod ma ogoli. W/: Husein Badmah

Shacaka jsl diyaar uma aha dib in loogu noqdo raadkii shalay.
Waxaynu ka soo gudubnay waayo badan,xorayntii dalka,midayntii shacabka,dib ula soo noqoshadii gooni isu taagga,dastuur afti loo qaaday,dawlad isu dheeli tirin oo saddex dhardhaar ku fadhiya iyo nidaamka xisbiyada badan si looga baxo siyaasada beelaha ku dhisan.
Caqligayga yari wuu ka xoroobay siyaasada taban ee muwaadinka lagu beer laxawsado ee ah Tolaayeey.Waa tii dib dalkayga u dhigtay ee sababtay dagaaladii sokeeya kii saaxil iyo kii hargeysa.Waa tii dib u curisay tiiraanyo qabyaalad ee ay curadadii ku nafwaayeen.
Waa tii boqnaha shacabkayga boqnaha goysay.Siyaasiyiin dan lahaa waa tay dalka dib ugu celiyeen casri jahligii hore loogu goblamay,waa siyaasad xumadii waagaa dalka ka abuurtay Awal iyo Garxajis ee shacabka intiisii kale ka dhigtay ma jiraan.
Maantana rag baa madaxa u soo duubtay inay shacabka dib ugu celiyaan Garxajisiya oo doonaya qabyaalad inay dadku u kala qaybiyaan,qas geliyaan haykal-ka dawladnimo ee aynu ku naaloonayno.Waa ayaan darro in khalkhal la geliyo doorashadii gudoomiyaha G.Wakiilada.Gacan taag xor ah oo lagu kala ayaan qaaday,layskuna hambalyeeyo,hadana la yidhaa cajalad ayaanu daawanay oo waa xaaraan,codkana waxa helay Talyanle.Talaabadani waxay daaha ka rogaysaa ujeedadu inaanay ahayn doorashada gudoomiyaha ee lagu kala guulaystay ee waa khalkhal gelin nidaamka iyo haykal dawladeed ee dalkan ka hana qaaday.Waa talaabo iftiiminaysa doorashada madaxweynaha ka hor ba qalaanqal qabyaaladeed dalka dib loogu celiyo.
Siyaasadaa raga qaar ama xisbiga Shaydaan tarmay(Waddani) maanta ay doonayaan inay dalka ku celiyaan waxay iftiimanaysaa inay u jeedaan muruq mooyaane inaanay cod ku samraan diyaar u ahayn.
Waxa aan ku soo afmeerayaa waar Shaydaan tarmayoo(Waddani) laydinka aqbali maayo inaad dalka dib ugu celisaan Tolaayeey ee dib ugu soo laabta xaydaabka dimuqraadiyada,si nadiif ahna tartanka uga qayb gala.

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
Uf anigaa leh qabiil iyo qabyaalad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso