Hadduunbay Hay addii Shaqaaluhu Heshay Dayaxeedee!!!!!!!!!!!!!Q/2AAD

Been ma sheegto taarikhdu ma bukooto,mana baaqato biyo dahab nimay ku dhigtiyo baro dhiig nimay ku qortaba qalin kedu ma baaqdo.Ruux kasta oo u dhashay qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa uu guddo iyo waxa uu galladayba taxanaha sooyalka taarikheed ee is dabaya yaal waa hubaal inay taarikhdu ka marag kacayso qof waliba wixii uu u qabtay qarankan.

 

Hay adda shaqaalaha jamhuuriyada Somaliland waxay soo martay duruufo iyo waayo badan oo waqti kastaaba ku suntanaa waayihiisii iyo wehelkedii waqtigasi sidii uu u maamulay,samaan iyo sillicba.Manta Hay addii shaqaaluhu waxay noqotay hay ad soo ceshatay sharafteedii iyo karamadeedii bulshawaynta somaliland bartay inay tahay u qaabilsanaha dawlada somaliand qaadashada iyo shaqalaysiinta shaqalaha qaranku u baaahanayan iyadoo ay ka fog tahay eex,caddalad darro iyo dhabar taabad,waxaanay maamulka hay adda shaqalaha hadda ka arrimiya ee uu hormoodka u yahay gudoomiye sharmaake geelle dhidibada u taagay in hay adda shaqalahu haybadeedii dib u soo celliso taas oo ku timid dadaal,tamar iyo tacaba badan oo uu galiyay isla markaana uu kaga gudbay waqtiyadii iyo durufuhii adkaa ee reernimo ee ku gadaamnaa hayda shaqalaha.

 

14 Augus 2016 waa maalin ugu astaysan  hay adda shaqalaha jamhuuriyada Somaliland inay heshay dayaxeed muddada badan ay haybinta iyo hayaanka dheerba u gashay helitaankiisii se nasiib wanaag way heshay,

 

iyadoo si niyad sami ah ugu soo dhawaysay gacmo furan yo lab xaadhan  si uu huqda iyo ciilka faraha badan uga raysto islamarkaana u hesho caddalad iyo wax wada lahaansho.Gudoomiye sharmaake geelle oo hadda ah wiilka dhalinyarta ah islmarkaana waqti xaadirkan ah masuulka ugu da,ada yar xukuumada hadda ka Talisa Somaliland ayaa waxa uu hadal hayn badan ku dhex abuuray shacbi waynha Somaliland qurbe jog iyo qolqol jog kadib markii uu madashii xil wareejinta kaga  dhawaqay in shakhsi kasta oo reer Somaliland ahi uu kula xisaabtami doono saddex qodob oo ah:

 

1:Caddalad aan ciil lahayn

 

2:Sarrayn aan sinji ku dhisnay

 

3: Qalin aan qabiil lahayn

 

Waxa  yaab iyo mucjiso ku noqotay dhaga dadwaynaha jahuriyada Somaliland oo markii ugu horaysay masuul dhalinyar ahi dhagaha ugu shubay isla markaana u hawlgalay sidii looga dhabay laha balaqaadkii uu u sameeyay

 

 

Waa masuulkii iyo maamulkii u horeyay ee 27 sanno ee Somaliland jirtay noqday mid bulshada Somaliland u soo bandhhigay in uu dhamaaday xilligii qabiilku,eexda,caddaaladii darradii,gacan toglayntii.waxay lab qaboojin iyo rajo badan ku abuuray dhalinta guud ahaan Somaliland oo gacmo iyo quluub mid ah ku soo dhaweeyay dayaxaa  hadda uun ha addii shaqaluhu heshay.

 

Lasoco qaybaha danbe

 

Abdi ahmed Yuusuf

Hargeisa Somaliland

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso