Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Degmooyin Cusub .

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.

 

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;

 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

  1. In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  2. In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso