Wefti ballaadhan oo ka socda hogaanka sare xisbiga Kulmiye oo lagu soo dhaweeyey magaalada Manchester ee dalkan ingiriiska.

 
Manchester Saturday 5th August 2017: Wefti ballaadhan oo ka socda hogaanka sare xisbiga Kulmiye uu hogaaminayo gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye, Md. Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana xubnaha waftiga ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Md.Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) iyo siyaasi Axmed Muumin Seed oo kamid ah saraakiisha sare xisbiga Kulmiye, waxa kale weftigaa safarka shaqo ku weheliyey xubno sarsare oo ka tirsan gudida fulinta xisbiga kulmiye UK oo uu ka mid yahay Mudane Xariir Xirsi Adar, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye UK. Weftigaa si ballaadhan ayaa loogu soo dhaweeyey magaalada Greater Manchester   ee wadankan  Ingiriiska, waxana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyey tageerayasha iyo  saraakiisha xisbiga Kulmiye ee magalooyinka Greater  Manchester, Sheffield iyo Liverpool.
 
Weftigaas waxa uu kulan ballaandhan la qaatey madaxda xisbiga kulmiye ee magaaloyinka Greater Manchester, Sheffield iyo Liverpool. Shirkaa ballaadhan waxa si mug leh uga qeybqaatay madaxda laamaha kulmiye Uk ay ka mid yihiin Greater Manchester, Sheffield, Liverpool, West London iyo North London kuwaasoo iyana qayb ka ahaa xoojinta iyo kor u qaadida xidhiidhka iskaashi iyo wada shaqaynayd ee ka dhaxeeya laamaha xisbiga kulmiye ee Uk kuwaasoo ka midaysan sida ay lagama maarmaan u tahay in laamaha dibadu ay doorkeedii lafdhabarta ugu ahaayeen guulaha gudaha ee xisbiga kulmiye halkii laga sii wado waxaana halkaa uga hadlay laamaha masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Laanta Greater Manchester Ismaaciil Goox Axmed oo shirka furay marti sharaftana ku soo dhaweeyey madasha war bixina ka soo jeediyey wax qabadka iyo wixii u qabsoomey laanta Greater Manchester.
Waxa kala halka ka hadley madaxda kale ee laamaha Sheffield, Liverpool, West London iyo North London. Waxaaney shirkaa ku lafagureen sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha u diyaar garawga doorashada loogana shaqeyn lahaa sidii markale xisbiga kulmiye u hanan lahaa uguna guuleysan lahaa hogaanka dalka. Waxa kale oo halkaa ka hadley gudoomiyaha warbaahinta xisbiga kulmiye UK Mudane Yasiin Farah Jees oo si qota dheer uga waramey hawlaha waxqabadka gudida warbaahinta UK.
Kadib waxa hadalkii la wareegay gudoomiyaha xisbiga kulmiye UK mudane Xariir Xirsi Adar, oo halkaa hadalo caaqiibo leh ka soo jeediyey isaga oo uga mahad celiyey Laanta Greater Manchester xaflada quruxda  badan iyo sida fiican ee martida iyo waftiga ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Manchester kadib mudane Xariir wuxuu madasha ku soo dhaweeyey xubnihi waftiga ka mid ah in madasha hadalo ka soo jeediyaan halkaa waxaa madasha ka hadley kana soo jeediyey khudbado guubabo iyo dhiirigelina ah xubnihii waftiga ka mid ahaa, guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Md.Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) iyo siyaasi Axmed Muumin Seed. Sidoo kale waxa ay weftigu warbixinno ay xaaladda dalka iyo midda xisbigaba kaga warramayaan siiyeen madaxda iyo taageerayaasha laamaha xisbiga,waxana ay ku boorriyeen inay dadaalkood kordhiyaan dhan walba guntigana dhiisha iskaga dhigaan, una guntadaan inuu xisbigu mar kale talada dalka ku guulaysto.
Ugu danbeyntii waxaa soo gunaanad shirkaa, gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye, Md. Maxamed Kaahin Axmed, kana jeediyey khudbad  dheer oo guubaabo dhinacyo badan taabanaysa madasha isaga oo saldhig uga dhigay laba qodob oo kala ah 1) ka qayb qaadashada dhaqaalaha 2) diyaar garawga muraaqibiinta Waxaanu  Guddomiyahu faray dhamman Guddomiyayaasha Laamaha in ay sii laban laaban dhaqaale ururinta Xisbiga isaga oo uga mahadnaqay dhaqaalaha ay xisbiga u direen iyo balanqaadyada kama dambeeysta ah ee ay sameeyeen.Guntii iyo gabagabadii shirka  ayaa kusoo geba-gebowday jawi aad u qurux badan.
 
Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan wufuudii  ballaadhneyd oo ka socda hogaanka sare xisbiga Kulmiye iyo weftigaa safarka shaqo ku weheliyey xubno sarsare oo ka tirsan gudida fulinta xisbiga kulmiye UK iyo madaxda laamaha kulmiye Uk ay ka mid yihiin Greater Manchester, Sheffield, Liverpool, West London iyo North London.
Sidoo kale waxaa amaan, Mudnaan iyo mahadnaq gaar ah leh garabka haweenka ee xisbiga kulmiye Manchester iyo dhamaan gudida fulinta ee laanta Greater Manchester.

Advertisement

Ku Xayeysiiso