War Deg Deg Ah :Golaha Wakiilada Oo Doortay Gudoomiye Cusub + Murashaxiintii Oo Hal Cod Ku Kala Baxay .

 

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta doortay Gudoomiye Cusub, ka dib markii uu xilkaasi uu baneeyay Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada C/raxman Cirro .

Fadhigan maanta ayaa waxaa soo xaadiray 78 Mudane, waxaana xusid mudan in Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Mudane Cirro uu isagu saaka soo dhex fadhiistay Xildhibaannada, Maadaama uu hadda yahay Xildhibaan .

Waxaana hanashada Kursigaasi loo galay Tartan adag oo xisbiyaysan, kaas oo ay ugu cadcadaayeen Murashax Xildhibaan Talyanle oo ka mid ah Xisbiga WADDANI iyo Gudoomiye Ku xigeenkii kowaad ee hore Baashe Maxamed oo isna ku abtirsada Xisbiga KULMIYE, Waxaana tartankaasi uu noqday mid adag oo hal cod lagu kala baxo .

Waxaana cod loo qaaday Doorashada Murashaxiinta u taagan Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Waxaana Xildhibaan Talyanle u codeeyay 38 Mudane, Halka Xildhibaan Baashe Maxamed ay u codeeeyeen 39 Mudane .

Sidaasna waxaa xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ku Hantay Baashe Maxamed Faarax oo faro-cidiyahood kaga guulaystay Xildhibaan Talyanle .

Murashaxiinta u ordayay Jagada ayaa ka soo wada deegaanka Gobolka Sool, Waxaana dhex maray tartan aad u adag, sida ka muuqata Natiijadana waxa lagu kala guulaystay waa hal cod .

Ugu danbayn Baashe Maxamed Faarax ayaa noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Halka ku xigeennadiisana todobaad ka dib iyana tartan kale loo gali doono .

Advertisement

Ku Xayeysiiso