Wankii baraarka la’lumay

Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda,  caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba.

Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka  ama qoodha xoolaha kale.

 

Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan,  marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka),  waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday.

 

Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay ugu beegi jireen inay nayluhu dhashaan xiliga curashada gu’ga ka dib, 25-caano maal dhulkii oo rooban oo baad iyo biyo’ba leh, maadaama Laxuhu ilmaha ku qaadaan caloosha 147- habeen illaa iyo 150-habeen, halkaas ayey xoolo-dhaqatadu kaga go’aan qaadan jireen geedi-socodka noloshooda la xidhiidha hayaanka iyo isbedelka cimilada (roobka, abaaraha iyo dabaylaha).

 

Waxa dhacda inta badan marka sumalka lagu daro baraarka ee ay kambal daaqayaan inuu  uriyo ido meel fog daaqaya oo uu sanka la raaco jihadii ay ka xigeen, isla-markaana, sida uu isku leeyahay gaadh buu la fogaadaa baraarkii yar yaraa,  marka danbena, uu ku soo guryo noqon kari waayaa oo uu sumalkii u lumiyaa  baraarkii,  laakiise, xoolo-dhaqatadu iyagoo dhowraya qiimaha iyo sharafka magaca sumalka oo u xil-qarinaaya Wankii lumiyey Baraarka,  ayey u yidhaahdaan, “Wankii la lumay Baraarka”

Haddaba, marka aynu eegno nidaamkan dimuquraaadiyada ee ku dhisan xisbiyada maanta ka jira Somaliland, waxa aynu ognahay inay ku kala duwan yihiin dhinaca afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, waxase jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda dhaqanno cusub ku soo kordhiyey nidaamkii siyaasadda, kuwaas oo markii loo diiday inay ka mid noqdaan xubin ka mid ah xisbul-xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE, shaqsiyaad daba-dhilif u ahaa taliskii Siyaad Barre oo aan ka maydhanin nijaastii Faqashta ay maanta dhagahayagu maqlayaan iyagoo hawada marinaaya dhawaaqyo codod xanaf leh oo been abuur ah iyo fikrado madhan oo aan ku dhisnayn cilmi iyo caqliyadtoona oo ay ku bar-tilmaameedsanayaan madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi,  Mudane, Muuse Biixi oo aanay gaadhi karayn taariikhdiisa iyo hamigiisa uu ku doonayo inuu ugu tartamo doorasho xor ah oo xalaal ah, kursiga ugu sareeya ee talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Xisbiyada mucaaridka ah ee soo dhaweeyey kuwa sharka badan, sharka ay beerayaaan ayey midhahooda goosan doona xisbiyadii ay gaashaanka iyo gaboodka ka dhigteen, waxaanu noqon doonaa hogaamiyaha xisbigaasi ee raalida noqday “Wankii Lumiyey Baraarka”, ee noqon maayo “Wankii la Lumay Baraarka”

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso