Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

05 August 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamuud Qaalib (Axmed Samiir) oo ahaa maayarkii hore ee Gabiley oo ku geeriyooday cusbitaalka Hargeysa xalay oo taariikhda ahayd 05/08/2017.

Marxuum Axmed Maxamuud Qaalib (Axmed Samiir) waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii ugu horreeyey ee lagu doortay cod dadweyne golayaasha deegaanka ee sannadkii 2002-dii, waxaannu xilkaasi hayey waqti ilaa sannad ah oo ahayd muddadii u dambaysay ee golihii degaanka ee ay xilka kala wareegeen xildhibaannadii la doortay 2012-kii, isagoo ku suntanaa waxqabad ballaadhan oo uu ka hirgeliyey degmada iyo magaalada Gabiley.

Guddoomiyuhu waxa marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso