Gudaha Ka Eeg :Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Maxamuud Axmed Cali Oo Maanta Ka Gadooday Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay Maamule Cali Balayax .

Ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali ayaa saaka banaan bax ka sameeyay magaalada Hargaysa .

Waxaanay ardaydani ka gadoodeen xil ka qaadis lagu sameeyay Maamulaha Dugsigaasi Cali Balayax .

Ciidanka police-ka oo la tacaalayay banaan baxaas ayaa rasaas nool ku furay ardaydaasi si ay u kala eryaan Ardaydii Mudaharaadkaasi sameenaysay .

Mudaharaadkan oo muddo socday ayaa ugu danbayntii ay Ciidanka Police-ku ay damiyee, iyadoo aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay .

Maamule Cali Balayax ayaa waxaa xilka ka qaaday wasiirka Waxbarashada Mudane C.laahi Habbane, Waxaanu noqonayaa maamulihii ugu horeeyay ee Wasiir Xilka ka qaado, maadaama maamulayaasha ay xilka ka qaadi jireen Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex .

Maamule Cali Balayax oo ka hadlay xil ka qaadistiisa ayaa soo dhaweeyay, waxaanu dhaliilay qaabka xilka loo qaaday, oo uu sheegay in la siyaasadeeyay xil ka qaadistiisa .

Waxaanu Maamule Cali Balayax uu Dugsigaasi maamule ka ahaa 14-kii Sanno ee ugu danbeeyay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso