Dadkaygu Wanaagsanaa Ma .., By Xuseen Badmaax

Dadkaygu wanaagsanaa ma danbiilayaashii bay..

Dadkaygu wanaagsanaa ma danbiila-yaashii bay weli dhegaystaan.

Ismaaciil-yare waan ku ogaa axmaq-nimada ee cayna ma ku darsaday.

Waxaan dhegaystay Ex.Wasiir Ismaaciil-yare oo u jawaabaya Afhayeenka xisbiga Kulmiye Md.Xasan Gaafaadhi.Waxuu yidhi waxaan la hadlayaa Makarafoonka Muse Biixi…Waar weli xaqiraad iyo cay intaa leeg ma maqasheenKulahaa anigaa xaq darro dhul ku siiyay Muse? Tan uma haysto ismaaciil danbi waaba ka ku faanaya! Ismaaciil kan aan dhegaystay miyaanu ahayn wasiirkii daakhiliga ee kibirka jeelka ku dhigay Jaamac M Ghalib? Miyaanu ismaaciil ahayn wasiirkii caruurta kibirka ku laayay masalaha ee aan ilaa maanta dhiigoodii bixin? Siduu ummada u soo hor fadhiisan karaa mise madaxaa wax uga dhin meen? Ismaaciil-yare waxuu yidhi waxaan soo bandhigi doonaa Muse waxuu u haysto gobolada Sanaag iyo Awdal! Tanina waa fidno kale oo uu ku kala fogaynayo ummada Somaliland ee midnimadeeda dadaalka ugu jiraaan xukuumad iyo shacab kuba.

Dunidani waa yaabe
Maantana ma ismaaciil
baa noo tumaya durbaan.

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso