“Dadkeenu Waxay Ku Fikirayaan In Dawlad Kasta Oo Timaadaa Ay Siyaasiyiin Soo Saarto Halkay Kasoo Saari Lahayd Xirfadleyaal”- Agaasimaha Guud Ee WK&HKB

 

“ Anigu Waxaan Odhan Lahaa Ha Lagu Dedaalo Sidii Dalkan Xirfadleyaal   Loogu Soo Saari Lahaa, Siyaasiyiintana Loo Dhimi Lahaa, Waayo Waxaad Arkaysaa Nin Lagu Odhanayo Waa……”  Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan, Agaasimaha Guud Ee WK&HKB

“Dadkeenu Waxay Ku Fikirayaan In Dawlad Kasta Oo Timaadaa Ay Siyaasiyiin   Soo Saarto Halkay Kasoo Saari Lahayd Xirfadleyaal”

Hargeysa (THN) – “Inta badan marka la qeexayo shaqada agaasimeyaasha guud ee dawladdu, waxaa layidhaahdaa shaqadoodu maaha mid siyaasadeed ee mishiinkii shaqada kala waday,laakiin dadkeenu waxaa ay u isticmaalaan in Xilka Agaasimaha guud ee wasaaradaha dawladdu uu  noqdo mid siyaasi ah [political figure], arrintaas sidee ayaad adigu u aragtaa, maxaadse kaga jawaabi lahayd su’aashaas?”, sidaa waxaa u dhignayd su’aal la hor dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badaha Somaliland Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan oo waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey degelka wararka ee Togaherer kaga jawaabay aragtida mas’uul ka qabo  qaabka loo adeegsado shaqada agaasimaha guud ee  wasaaradaha dalka “runtii qofka marka meel loo magacaabo ama shaqo loo dhiibo waxa ugu horreeya ee ay tahay waxa weeye in uu is weydiiyo, maxaad qabanaysaa, maxay tahay shaqadan inaad ku sallaysaa, awoodahaagusemaxay yihiin. Runtii waxaan qabaa in aanay shaqada agaasimaha guud ahayn jago siyaasi laakiin waa la siyaasadeeyey  oo booska siyaasiga ahi waa ka wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo wasiiru-dawlaha, laakiin agaasimaha guud waa qof ka mid ah shaqaalaha dawladda oo weliba isaga ayaa u sarreeya shaqaalaha wasaaradda, dadkeennii ayaase dhinaca kale u rogay oo ka dhigay mid siyaasi ah, waxaanan u arkaa in taasi tahay mid dhibaatadeeda leh”. Sidaas ayuu yidhi Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan, Agaasimaha Guud ee wasaradda kalluumaysigu, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya aragtida ay bulshadu ka aaminsan tahay xilka uu hayo “Aniga ayaa la igu canaantaa oo la igu yidhaahdaa xisbiga KULMIYe kaga dhex muuqatid, waxaanan ogahay in mar walba su’aasha la I weydiiyaa ay tahay maxaad siyaasdii uga hadli weyday ama uga dhex muuqan weyday. Annagu saxaafadda markaanu kamuuqanno      waxaanu ka hadlaa shaqadaadii wax ku kooban iyo hawlihii wasaaraddaada waxa u qorsheysan, hase ahaatee marnaba kuumabannaana inaad xaggii siyaasadda ka hadashid taasina [fikirka siyaasiga ah ee la qabo] waa mid dhibteeda leh oo u baahan in la fahmo oo la is weydiiyo waar qarankani ma siyaasiyiin buu u baahan yahay mise wuxuu u baahanyahay dad u shaqeeya oo xirfadleyaal ah, anigu waxaan qabaa in aynu u baahan nahay dad xirfadleyaal ah [professions] ah oo horumar innoo horseeda”. “Dadkeenu waxay ku fikirayaan in dawlad kasta oo timaadaa ay siyaasiyiin cusub soo saarto halkay kasoo saari lahayd xirfadleyaal dalkan horumar u keena, markaa anigu waxaan odhan lahaa waar ha lagu dadaalo sidii dalkan dad horumar u horseedi kara loogu soo saari lahaa siyaasiyiintana loo dhimi lahaa, waayo siyaasadeenii waxay maanta noqotay mid maxalli  [Local] ku sallaysan, oo waxaad arkaysaa nin lagu odhanayo waa ruug caddaa siyaasi ah, laakiin  ruugcaddaa siyaasi ah waxaa uu ku yahay inteenna [bulshadeena] oo keliya laakiin kama hadli karo waxa saamaynta innagu leh ee maanta ka jira geeska afrika, taasina wax qiimo leh maaha”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso