ISKAASHI LA’AAN HORUMAR MA YIMAADO

 

Markii dalka dib loogu soo noqdey horaantii sagaashamaadkii dadkii kasoo noqdey qoxoontiyadii dulcad ee dalka dib ugu soo noqdey ugu mey iman guryahoodii wax ay manaafacaadsadaan balse qof kastaba wuxu isku dayey inuu ku shaqaysto xirfadii uu yaqaaney ama uu abuuro shaqo cusub, hadey tahay HILIBLE, DUKAANLE, SHAAHLE, TAKSIILE, KHUDRADLEY, , DHUXULEY, BACADLE, CAANOLEY. iyo qaar kale oo badan oo noocyada ganacsiga ee bulshada kamid ah.

Dadkaa aynu soo sheegney intooda badan waxa laga yaaba inaanu horumar la taaban karo sameynin ganacsigoodii 27 kaa sano ee wadanku dhisnaa sababo badan awgood ha ugu horeyso iskaashi la’aane.

1-HOGAAN LA’AAN: bulshadu hadey ka caydhowdo xaga hogaanka waa ay isku hor iyo daba wareegtaa oo waxa ka luma jihadii ay mari lahaayeen. sidaa darteed bulshadani may helin hogaan isku ururiya oo mideeya si wax-soosaarkoodu u noqdo mid manfac leh

2- ISKAASHI LA’AAN: iskaashigu waa xooga ugu muhiimsan ee qofka tabarta yari ku yeelan karo awood uu ku horumariyo ganacsigiisa iyada oo ay taageerayaan iskaashatada uu kamidka yahay iyadoo hadba qofkii liita la kabayo lana gacan qabanayo. sidaa darteed may helin cid fahamsan faa’iidada iskaashiga oo kula talisa.

3- IS AAMIN DARO: dadku hadey kala aamin baxaan waxa luma awoodooda masxakeed iyo jidheedba intii soomaalida burburku ku dhacey ee ay dadku caydhoobeen waxa ku soo batey kala shakiga iyo kala fogaanta taasina waxy sababtey inaynu noqono bulsho ka qatan xoogooda iyo manfacii dhulkooda labadaba.

Sadexdaa qodob ayaa aan is leeyahay waxay saldhig u yihiin dib u dhaca ku yimid wax-soosaarka dhulkeena dhinac kasta oo ay tahay, waxaanan soo jeedin lahaa waa inaynu guntiga u xidhanaa sidii aynu u keeni lahayn hal abuurnimo aynu ku horumarinayno wax-soosaarka dhulkeena iyo horumarntiisaba waar iskaashiga ha la ogaado.

W/Q: Ahmed Mohamud  Usman (Zeyd Khaliifa)

Kualumpur Malasia

Axmedyasin288@gmail.com

Tel: 006021249062

Advertisement

Ku Xayeysiiso