Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Marwo Qadan-Hoodo Xil U Magacaabay .

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa magacaabay La-taliyaha guddoomiyaha xisbiga ee arrimaha ganac siga iyo maalgashiga, inay noqoto Marwo Qadan-hoodo Mxamed Cismaan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), kaas oo u dhignaa sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2465/2017                                                                                      24 July, 2017

KU: Qadan-hoodo Maxamed Cismaan                                                                      Hargeysa

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                                            Hargeysa

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI                                                              Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                                            Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                     Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee KMG                                                    Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:                 Qodobka 30aad farqaddiisa 8aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:                   Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan.

Markaan la tashaday:        Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:          kartida iyo aqoonta ay leeyihiin

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24 July, 2017 waxaan u magacaabay Marwo, Qadan-hoodo Maxamed Cismaan inay noqoto La-taliyaha guddoomiyaha Xisbiga ee arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Waxaan Illaahay ka baryeynaa inay ku soo kordhiso xisbiga Waddani fikrado wax-ku-ool ah iyo inay ku soo biirin-doonto waayo-aragnmadeeda iyo khibradeeda u gaarka ah.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro),

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso