Xusuuso Wax-qabadka Xisbiga Kulmiye .. Q.1aad

Xasuuso Wax-qabadka Xisbiga Kulmiye..Q.1.aad

 

Dalkan JSL waxa uu soo maray jaran-jarooyin kala waayo duwanaa,waxaynu ku guulaysanay nidaamka xisbiyada badan.

Xisbiga Kulmiye waxa hogaanka u qabtay mujaahidkii ugu waaro aragsanaa ahna Madaxweynaha maanta dalka gaadhsiiyay wax-qabadka ugu mudan ee keenay horumarka u muuqda sida dayaxa 15aadka. Hana ka tegin xisbiga kulmiye inuu yahay ka qudha ee Samir,tudhis iyo lexo jeclo uu dadka iyo dalkaba ka qabo ku haneeyay 80cod.Waa qodob ku xariiqan taariikhda doorashooyinka ka qabsooma qaaradan Afrika.

 

Aan u daadego dulucda qoraalkan anigoon ka hordhacayn qorshaha siyaasada 5ta sanno(Political Program) ee xisbiga Kulmiye waxa aan shacabka xasuusinayaa oo aan u taxayaa sida tusbaxa qayb ka mid ah wax-qabadka xisbul xaakimka Kulmiye intuu talada dalka hayo:

1.Qasnad madhan iyo daynkii kulmiye la wareegay waxuu ku bedelay khasnad buuxda,kana faro xashay daynkii tuulaa.

2.Kulmiye waxuu ku dhiiraday hirgelinta adeegsiga lacagta JSL oo gaadhsiiyay dalka oo dhan.

3.Kulmiye si geesi-nimo iyo ku-dhac leh ayuu u fuliyay darajadii ciidamada kala duwan oo dawladii ka horeeyay ka maageen.

 

La Soco….

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso