Qurbo-joogta Xisbiga KULMIYE Oo Hargaysa Kulan Loogu Qabtay

Saraakiil xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda katirsan oo uu hormood u yahay xog-hayaha guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa kulan dardargelin ah la qaatay qaar kamid ah masuuliyiinta laamaha Yurub ee xisbiga iyo taageerayaal qurbe-joog ah oo dalka dib ugu soo laabtay.
Kulankan oo maanta ka qabsoomay hoolka Cali Maarshaal ee ku yaalla xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qab-galay qaar kamid ah masuuliyiinta KULMIYE ee dalalka Sweden iyo Finland, taageerayaal iyo masuuliyiin xilal hore kasoo qabtay laamaha Yurub ee KULMIYE, wasiirro, wasiiru-dawleyaal, agaasimayaal guud, hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE iyo badhasaabo, waxana kulanka si mug leh loogu lago-guray sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha wada-shaqayneed ee gudaha iyo dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo sidii loo dardargelin lahaa halganka xisbigu ugu jiro inuu mar labaad talada dalka qabto.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo isagu kulankan hoggaaminayey, ayaa xubnaha qurbejoogga ah iyo masuuliyiinta xisbiga ee laamaha Yurub uga xog-warramay xaaladda guud ee xisbiga KULMIYE iyo halka ay hawluhu marayaan, waxana uu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo in jawi wada-shaqayneed oo hufan laga dhex abuuro laamaha dibadda ee xisbiga iyo kuwa gudaha dalka, waxana uu qurbejoogta ku tilmaamay tiir muhiim u ah xisbiga KULMIYE.
Xoghaye Xasan Siciid waxa uu ammaanay doorka qurbejoogtu ku leedahay xisbiga KULMIYE iyo dedaallada muuqda ee ay geliyeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii ambo qaadaan sida xilkaska leh ee ay diyaarka ugu yihiin guul uu xisbigu gaadho.
Badhasaabka gobolka Sanaag Md. Axmed Cabdi Falaay oo kamid ahaa xubnihii shirka ka qaybgalay, ayaa isaguna warbixin kooban ka bixiyey dedaalka xukuumaddu gelisay guud ahaanba gobolka Sanaag iyo horumarka ay waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaa gobolka u horseedday.
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo kamid ah xubnaha firifircoon ee KULMIYE, ayaa isaguna ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee ay dalka ka samaysay xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE, waxana uu xubnaha qurbejoogga ah iyo taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE isugu jira ka codsaday in wada-jir looga wada abaabulo dedaal lagu dhalinayo inuu xisbigu ku guulaysto doorashada soo socota.
Qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee dalalka Sweden iyo Finland iyo taageerayaal kale oo qurbejoog ah oo halkaas ka hadlay, ayaa masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo kuwa xukuumaddaba uga mahadceliyey dedaalka dheer ee ugu jiraan horumarka dalka, waxana ay ballan qaadeen inay wixii karaankooda ah xisbiga la garabgeli doonaan inuu mar kale talada dalka ku guulaysto.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso