Gudaha Ka Eeg :Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire Oo Booqasho Ku Yimi Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-Demiska Qaranka JSL.

Wasiirka wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee ciidadamada dab-demiska Qaranka Somaliland halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Hogaanka Guud ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo Hogaanka kala duwan ee Ciidanka Dabdemiska.

Waxaa halkaa warbixin ka siiyay wasiirka taliyaha ciidanka oo u sharaxay heerkii uu soo maray ciidanka dab-demisku muddadii uu jiray iyo waxyaabuhuu ku talaabsaday iyadoo ciidanku muddo kooban jiray hadana waxaa uu qabtay wax badan oo la taaban karo haday tahay dhanka maamulka iyo haday horumarka kale ee ciidanku sameeyay. waxaa sidoo kale taliyuhu sharaxay in ciidanka lagu bilaabay soddon xubnood maantana ay marayaan afar boqol iyo dheeraad halka lagu bilaabay gaadiid yar dabdemiska maantana ciidanku haysto gawaadhi uu ku hawlgali karo, waxaanuu taliyuhu xusay in siidii somaliland loo sameeyay aanay jirin dabdemis u gaara dabka balse xukuumadan hadda talada dalka haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ay aasaastay dabdemiska u gaara jamhuuriyada somaliland taasna maamulka ciidanka dabdemiska iyo shacbiweynaha Somalilanba ay amaan ugu hayaan.

Dhankiisa Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ka dareen celiyay booqashadan uu ku yimi xarunta dabdemiska isagoo tilmaamay inaanu filayn inuu la kulmi doono dhisme aad u qurux badan iyo ciidan heegan u ah u adeegida umadda afar iyo labaatanka saacadood, waxaa kaloo tilmaamay wasiirku in ciidanku qabtay wax badan oo la taaban karo oo horumar mudanyahayna in lagu dhiirigeliyo waxqabadkaa ay muujiyeen, waxaanuu wasiirku sheegay inuu xidhiidh dhaw la samayn doono ciidanka dabdemiska lana shaqayn doono markastaba.
Ugu dambayn waxaa wasiirku soo wada maray dhamaan xafiisyada kala duwan ee ay ka koobantahay xarunta ciidanka dabdemsku iyadoo halkaa Cutubyo ka mida ciidanku dabdemisku salaan ku siiyeen wasiirka iyo Hogaanka sare ee Ciidanka Dabdemiska.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso