Daanyeerku laan buu Weli dacalka haystaa “il aragta iyo il maqasha”

Daanyeerku laan buu Weli dacalka haystaa “il aragta iyo il maqasha”

Marka wax laguu sheego laba ayay u dhacdaa “il aragta iyo il maqasha” way is dheelitiraan miisaanka maqalka iyo xaqiiqda wixii jira way is fasiraan,waxaynu la qabsanay in ay labadan arimood waqti xaadirkan kala fogyihiin tuugii ku dhacay ayaa kugu waaninaya wax hala ilaashado,hala hagaajiyo,goormaynu hagaagsanahay bal adba?

Dhaqankeenii waxaa baabiiyay  waji ku macaash iyo guulwadaynimo badheedh ah oo aan xishood lahayn, yaa dib usixi kara ee aynu ka arki karnaa hogaamiyayaashan codka inaga raba,umadd kasta oo rabta inay gaadho wanaag iyo horumar waxaa lama huraan ah inay hesho hogaan sax ah oo leh tilmaamihii hogaamiye-nimo ee ummadan u horseedi lahaa in uu si fudud u helaan waji kale oo nololeed kana duwan kan soo taagnaa ilaa 30 sanno ee khilaafyada, musuqa,maamul xumada ina dhaxalsiiyay.

Kaneecadu waxay ka mid tahay awoodaha kalsooni ka qaba itaalkooda waxaanay fariin digniin ah u dirtaa cida ay weerarka ku tahay habeenkaa baaq colaaded ayay soo dirtaa “wii wii wii”  adiga oo og ayay habeenkii kaa manaafacaadsataa,waxay ku socotaa xikmadda uu ilaahay u abuurtay waxaad si fiican u liqdaa inaad bini aadanimadaada uu ilaahay kugu karaameeyay abuurkii ugu wanaagsanaana ku dhamaystiray, garsoorayaashu waa inaga dhibtuna inaga ayay ina haysaan inagoo oo xor ah manta fursadaha inoo furan aynu ka faaidaysano awooda iyo karaamadeediina alle wuu ina siiiyay kalsooni aynu ku qabno.

Dabciga iyo rabitaanka iiga dhex muuqda hogaanka xisbiga kulmiye musharaxiisa Muuse biixi iyo teamkiisa waa hordhaca hogaankii dalka dib usixi lahaa waana xaqiiq in uu leeyahay astaamo badan oo ka duwan habdhaqanka siyaasi ee dalkan soo halaagay, guulwadayn looma baahna laakiin il wax aragta iyo maqal miisaan leh oo waaqica la talaabsanaya aynu ku eegno,soddonkii sanno ee u danbeeyay waxaynu muran galinay “runtii” waxaana adkaatay wixii saxda ahaa in la isu raaco .

Xisbiga wadani ee tartanka madaxtinimo u ordaya anigoo ka tagayn xaqiiqda hadana Cida gadhwadeen ka ah ee caleenta iyo calankaba usida aqoon badan ayaynu u leenahay shaadhkuu doono hasoo xidhee hogaamiye ama hogaamiye ruuxi waxay masuul ka yihiin  go-doonka sharci darro ee yaabka ina galiyay,adigoon si duuduub ah u xanbaarin caadifada iyo cilmi nafsiga inala nool xaaladan ku qiimee caqli sarre

Hogaanka manta aduunka saamaynta ku leh waxaa lagu qiimeeyaa mabaadiid uu aaminsan yahay ee uu rabbo inuu wax ku maamulo, ummadu waa inay qiimaysaa kuna sargoysaa baahiyaha horyaala ee xanuunka badan ee u baahan in laga gudbo, hogaanka aynu rabnaa waa in uu leeyahay hiigsi sarre sidoo kale qaabayn kara mustaqbalka soo socda uuna leeyahay fikiro wanaagsan oo hogaamineed ha ahaado kuwo dhaqanka ama siyaasiga ahba,leh awood goaan qaadasho dhaqangalin kara sharciyada aan labaclabac lahayn libiqsanayn cidna si gaar ah u caashaqsanayn garankara yoolka madaxnimo ee uu usocdo.

W.qoray Ahmedyasin Sh cumar Ahmed Furre

Advertisement

Ku Xayeysiiso