Taladii Qaranku Waxay u Gacan Gashay Afar Kooxood Oo Midkoodna Ehel u ahayn. Oo Midiba Mid Ka Sii Liito Waxaanay Heshiis Ku Yihiin Wiqiyadeynta Dhiiga Danyarta & Inta Jilicsan.

Taladii Qaranku Waxay u Gacan Gashay Afar Kooxood Oo Midkoodna Ehel u ahayn. Oo Midiba Mid Ka Sii Liito Waxaanay Heshiis Ku Yihiin Wiqiyadeynta Dhiiga Danyarta & Inta Jilicsan.

  1. Qurbe-joog aan Xaaladda Dalka Xogogaal u ahayn.

  2. Wadaado Shilinka Jeebkooda ku Dhacaya Mooyee Aan Wax Kale Aqoon.

  3. Ganacsato Shilinku Kala Weynyahay Noolaha &

  4. Guurti Bilaa Shaarubo ah. Oo Rasuululaahi Maxamed SCW Uu Xaaraantimeeyay In Talo Ummadeed Gacantooda Gasho.

 

A. Qurbe-joog Aan Xaaladda Dalka Xogogaal u ahayn. Sidaa Darteed Saddex Xaalo Midkoodna May Ahayn In  Xilal Loogu Dhiibo.

 

1. Alle Inaguma Keenee Hadiiba Waddanka Wax Ka Dhacaan Subaxaaba Tigidhkaa u Wada Go”an.

2. Maaha Kuwo Dareemi Kara Xaaladda Nololeed Ee Bulshada Sida :-

☆. Sixir-Bararka

☆. Kor u Kaca Qiimaha Maceeshadda. ☆. Tayada Daawooyinka & Raashinka  Dalka Imanaya.

Waayo Dalka Qays & Ubad-toona Uma Joogaan Ay Ku Dareemi Karaan Sixir-bararka, Qiimaha Maceeshadda, Hoos u Dhaca Qiimaha Lacagta Waddanka & Tayada Daawooyinka + Raashinka Dalka Soo Galaya.

 

3. Raga Maanta Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siiraanyo Waa Kuwa Dhiiri-galiyay Tahriibta. Waayo Marka Nin Baasaaboor Wata Mooyee Nin Kale Waxba Loo Diran Waayay In La Tahriibay Noqoto Si Baasaaboor Xil Laguugu Dhiibo aad u Soo Hesho. Taas Ayaa Keentay In Ubaxii Waddanku Ku Dhamaado Badaha.

Sidaa Darteed Nin aan Kula Dareemayn Dhibta Ku Haysata Adiga & Ubadkaagaba Miyay ahaydba Inuu Taladaada Gacanta Ku Qabto.

 

B. Wadaado Shilinka Jeebkooda Ku Dhacaya Mooyee Aan Wax Kale Aqoon.

Wadaadada Maanta Jooga Badan-koodu Xaaraanta Kaliya Waxay u Yaqaanaan :-

a). Qaadka &

b). Sigaarka

Laakin Shilinka Jeebkooda Ku Dhacaya Uma Miidaan Dayaan.

Runtana Kama Badheedhaan. Hadda Waa Tii La Yidhi Sheega Murr Haday Ka Qadhaadhahay.

Imika Waa Tii Madaxweynaha Qaranku Dhawaan u Magacaabay Koox Wadaado ah Inay Noqdaan Gudida Ka Soo Kabashada Abaarta. Lacag Badana Waa Kuwii Ururiyay Cidda Shacabku Aaminayna Iyagay Ahayd. Wax Walba Waa Suuragal Oo Waxaynu Ku Jirnaa Xili Kala Guur. Oo Haddiiba Ay Dhacdo In Cid Damac Ka Galo Adduunka La Ururshay Ama Loo Maamulo Sifo aan Ahayn Kii Qirshuhu ahaa Maaha Kuwo Ka Badheedhaya Oo Xaqa Ku Adimaya. Oo Odhan Kara Waar Sidani Waa Qalad Mana Aha Wixii Laysku Ogaa Ee Ummaddu Nagu Aamintay Intay TV-ga Soo Istaagaan.

 

C. Guurti Bilaa Shaarubo ah. Oo Rasuululaahi Maxamed (SCW). Hore Inoogu Sheegay Inaanay  Liibaanayn Qawm Taladoodii Dumar u Gacan Galiyay.

“النهي عن استعمال النساء في الحكم ”
 لَمَّا بَلَغَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّ أَهْلَ فَارِسَ قَدْ مَلَّكُوا عَلَيْهِمْ بِنْتَ كِسْرَى قَالَ : لَنْ يُفْلِحَ قَوْمٌ وَلَّوْا أَمْرَهُمْ امْرَأَةً )
رواه البخاري (4425.(

 

D. Ganacsato Shilinku Kala Weynyahay Nolosha Qofka.

Oo Kaliya Noloshii Danyarta Faa”iido Ka Dhex Raadinaya. Kuwaas Oo Ay Gacanta u Galeen Badi Kaabayaashii Noloshu. Sida :-

¤. Keenista Quutal Daruurigii. Iyadoo aanay Jirin Dawladdii Kaantarooli-layn Ee Majaha u Hayn Lahayd.

¤. Laydhkii

¤. Biyihii.

Iyadoo Adeegyada + Ganacsiga  Qaarkoodna Kooto Loogu Xidhay.

Waxa Kaloo Gacanta u Galay Wixii Dawladi Dawlad ku Ahayd oo Dhan. Iyadoy Sidaa Tahay Ayaanay Hadana Jirin Cashuuur Ay Bixiyaan Oo Ay Dawladda u Xareeyaan.

Isku Soo Wada Xooriyoo Cida Loo Heshiiyay Waa :-

Danyarta Qaadaa Ma Dhargaha ah Ee Maalinna Hela Masaariifta Maalinna Soo Waaya.

Ku Darsoo Cashuur Bixiyuhu Waa Danyarta Ka Sharciga Lagu Fuliyaa Ee Uu Qabtaana Waa Danyarta. Sharciga Waddanka Yaalaa Ma Qabto Masuul Xil Haya & Nin Adduun Haysta-toona.

Iyaba Waa Tabaalaha Wakhtiga Taynu Aragnaaye.

Garyaqaan Kayse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso