Qiimaynta xisbiyada qaranka ee Wacyi gelinta kaadh qaadashada eeTogdheer.

Qiimaynta xisbiyada qaranka ee Wacyi gelinta kaadh qaadashada eeTogdheer.
Hawl kasta hadaan la qiimayn ma samayso natiijo laga duuli karo..Hadaba markaan qiimayn ku sameeyay wacyi gelintii kaadh qaadashada ee xisbiyada qaranku ka sameeyeen gobolka Togdheer ee dalka waxa iiga soo baxay sidan:
Togdheer:
Kulmiye
1.3da xisbi oo tartankii ku kala tagay.
2.Kulmiye waxa uu fuulay faraska ugu dheereeya fardaha..kaas oo aanay celin karin banaanka,buurta iyo dhul ciideedka midnaba,waxaanu yaqaanaa hab uu ugu ordo hadba halka uu ordaayo nooca ay tahay.Waxaana loo yaqaanaa Xaydarmaan.Waana kii Qawdhan Ducaale lahaa(Xaydarmaan kaan kala hadhiyo tacadigaan gaystay).
3.Gud.Kulmiye waxa lagu sharfay hadiyada ugu qaayaha badan geyigan JSL ahna faras kaa Xaydarmaan(Waana xisbiga keliya ee la gudoonsiiyay faraska nooca Xaydarmaan ka loo yaqaan).
4.Gud.Kulmiye iyo waftiga uu hogaaminayay shacabka Togdheer waxay ku soo dhoweeyeen oo ay dhulka ugu gogleen roog cas(Waana xisbiga qudha ee loo dhigay).
Dhacdooyinkan shacabka Togdheer ku qaabileen waftiga kulmiye waxay caday-nayaan hanka iyo kalsoonida ay u qabaan xisbiga Kulmiye.
Waddani:
1.Xisbiga qaran ee Waddani wacyi gelinta waxa uu muujiyay hab isku xidhan oo abaabul uu calan badan,isuguna jira 3 midab(liin,casuus,iyo isku jir 2daa) dad badan oo uu ku taxo.
2.Waddani waxa habeeyay taageerayaashiisa Togdheer ka hor intaanu tagin waftiga ay hogaaminayeen hogaamiyaha iyo musharaxa xisbiga Waddani.
3.Waddani waxuu Togdheer ka curiyay qaab isugu jira olole iyo wacyi gelin.Talaabadan oo Kulmiye-na ku qasabtay isna inuu bilaabo 2daa qaab ee isugu jira iyo olole.
UCID;
1.Xisbiga UCID kamuu muuqan Togdheer marka laga reebo dhawr xubnood oo gudida gobolka ah,iyana kormeer ku sameeyay dhawr goobood oo ka mid ah magaalada Burco.
2.UCID kamay muuqan Togdheer intiisa kale.
3.UCID lagama dareemin olole,mana jirin wafti ballaadhan oo ka tagay M/Jeex sida xisbiyada kale.
Markaan isku soo xooriyo dhacdooyinkaa kala duwan ee ay 3da xisbi qaran kala kulmeen G.Togdheer waxa cad xisbul xaakimka kulmiye inuu ka galay kaalinta 1aad,xisbiga Waddani oo lagu tiriyo Togdheer inuu yahay xaruntiisa uu ka filaayo codka ugu badan ayaa ka galay kaalinta 2aad. Xisbiga UCID oo musharaxiisu ku maqanyahay qurbaha ayaa isagu dhaqdhaqaaq xoogan ka samayn Togdheer.
Allaa Mahad Leh
Uf Ana Leh Qabyalad

Advertisement

Ku Xayeysiiso