Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey

Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.

Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadka oo sita warqad cad oo ay kuwada sawiran yihiin isaga iyo Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Waxaanu Odaygaasi ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay hal-gankii dheeraa ee Jab-hadii Dhaq-dhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee “SNM” kula soo noqotay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Anagoo wadasheekaysanayna ayuu igu yidhi: – Nelson Mandela intii aanu madax-weynaha ka noqon dalka koonfur Afrika ee uu xabsiga ku jiray, waxa la xidhnaa wiil dhalin yaro ah oo u adeegi jiray, waxaanu ku odhan jiray wiilkaasi marka uu u adeegayo adigu waxa aad tahay madax-weynahayga, ka dibna, waxa uu ka dalbaday inuu u saxeexo warqad uu ku soo dhaafo qasriga madaxtooyada, marka uu Madax-weynaha ka noqdo Nelson Mandela Dalka Koonfur Afrika.
Muddo dheer ka dib, Markii Nelson Mandela madax-weyne ka noqday Dalka Koonfur Afrika, ayuu wiilkii yaraa oo noqday isaguna nin weyn uu warqadii ugu dhiibay mid ka mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Madax-weynaha.
Isla-markii warqadaasi ay gaadhay ee uu akhriyey Nelson Mandela, aad buu u ilmeeyey, waxaanu yidhi:- Waa Saaxiibkaygii Jeelka.
Waxa aan ka dareemay inuu wax hibanaayo, waxaan uga sheekeeyey laba arrimood oo mid ay ahayd, mar uu ka hadlaayey “Alle ha u naxariistee ”Madax-weynihii hore Jamhuuriyadda Somaliland ” Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, in aanay jiri karin maanta wax la barbar dhigi karo, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda ah Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla-markaana isagoo ka hadlaaya qiimaha iyo milgaha uu leeyahay, waxa uu yidhi: qoodh maaha nimaan SNM ahayni, cid garab istaagi kartaana ma jirto, maantana hadduu I barbar fadhiyo, isagaa iga mudan, isagaa dalkan u soo dhintay.
Ta Labaadna waxa ay ahayd hadal uu ku yidhi mar ay wadasheekaysteen “Alle ha u naxariistee” Marxuun, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madax-weynaha hadda talada haya Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi:- Mar aanu wadasheekaysanay waxa uu igu yidhi:- Igama maqna suuradii ragii aan jihaadka u diray ee aan ka soo noqonin, wallee meel ay ku aasan yihiin aanan ogayn, intooda badan, wajigoodii qalbigayguu ku jiraa, (Ku sawiran yahay) oo habeenkii baan ku riyoodaa raga aan diray kala maqanahan.
Isla-markiiba waxa aan arkay Odaygii aan u sheekeynaayey oo indhihiisii ilmo ka tibiqlaynayso, waxaanu igu yidhi,:- Walaahi waa runtii.
Aniguna waxaan aad uga jidhiidhicooday indhihii hibashada iyo xusuusta la ilmeeyey.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso