Gudaha Ka Eeg :Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland oo Mahadnaq Iyo Hambalyo u Diray Madaxweynaha .

Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL waxa uu mahadnaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Max,ed Max,ud Siilaanyo oo Darajada Sareeyo Guuto u Dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Mudane Axmed Max,ed Xassan Sawaaxili kadib markii uu dadaal & Daacadnimo ay nafhurnimo ku dheehantahey ugu hagar baxey hirgalinta aasaaska Ciidanka Da-dmeiska Qaranka JSL oo si wanaagsan uga hana Qaadey Magaalooyinka waaweyn sidoo kalana mustaqbalka hiigsanaya In guud ahaanba dalka lagu fidiyo laguna baahiyo Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

 

16-April-2014 waxa uu wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha Gudaha JSL Mudane Cali Max,ed Warrancade uu ka Codsadey Madaxweynaha JSL in  Mudane Axmed Max,ed Xassan Sawaaxili la siiyo Darajada G/sarre Maadaama oo Dalka Dibadiisa kaga hawl galayey Darajada G/Dhexe) si loogu dhiiri galiyo in uu u hagar baxo aasaaska Ciidanka Dab-demiska Qaranka  iyo tababarida xirfadlayaal u carbisan badbaadinta nolosha iyo maalka JSL iyada oo laga faa,iideysanayo  khibrada & Aqoonta dheer ee uu Mudane Sawaaxili u  leeyahey cilmiga la dagaalanka & Samatabixinta ( Fire & Safety).

 

Dhanka kale Taliye Axmed Sawaaxili ayaa muddadii uu caynaanka u hayay Ciidanka Dab-demiska waxaa uu qabtay waxyaabo badan oo la taaban karo taasoo ciidanku jiray muddo kooban hadana waxaa uu taliyuhu qabtay wax badan oo la taaban karo isagoo aqoontiisa, Xirfadiisa iyo kartidiisa si aan hagrasho lahayn ugu adeegay Dalka iyo Dadka Somaliland.

 

Xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhiiratay inay hirgeliso dab-demiskii u horeeyay ee abid ay Somaliland yeelato taasoo madaxweyne Madaxweynaha qaranku aasaasay Dab-demis u gaara Jamhuuriyada Somaliland, waxaana Ciidanku dab-demisku uga mahadnaqayaa horumarkaa iyo dhiiranaanta ay xukuumadu ku dhiiratay yagleelida dab-demiska Somaliland.

 

Ugu danbeyn Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Sarreeyo Guuto Mudane Axmed Max,ed Xasan Sawaaxili Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL oo 20-7-2017 Madaxweynaha JSL u dalacsiiyey Darajada Sarreeyo Guuto Mudane Taliye Waxaanu kugu hambalyeynaynaa  darajada & dalacsiinta aad ku muteysatey halgankaaga naf hurnimo iyo waliba Maamulka Suuban & Falka Suuban ee aad ka hirgalisey xarumaha iyo Fadhiyada Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso