Socdaalkii Weftiga Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye, Sidii Loo Soo Dhaweeyay Iyo Xusuusihii Ku Ladhnaa.

 

Safarkani ayaa waxuu noqday kii ugu hadal-heynta badan S/land…

 

Qoraalka maanta aan idiin soo xulaayo waa Xusuusta Musharaxa Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey degaanadda Bariga S/land  .

Maaha Qormo qalin lagu soo koobi Karo, Socdaalkii Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xusuusihii ku ladhnaa  ama sameynta balaadhan ee ay dadka iyo dalka ku yeelatay.

Weftigii Muuse Biixi ayaa shalay dib ugu soo laabtay Caasimadda Hargeysa ,islamarkaana waxay muujiyeen cududda Taageeradda uu haysto iyo kalsoonidda Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye Kulmiye.

Weftiga oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha ayaa socdaal dheer ku galaabixiyey Goboladda Togdheer. Daad-madheedh iyo Waqooyiga iyo Koonfurta G/Saaxil.waxaana Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay fariin cad u direen cidkasta oo ay khusayso.

Dhinaca kale Safarka ayaa ahaa geeddi siyaasadeed. oo dadka deganadaasi ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE oo u quus-gooyey xisbiyada mucaaradka ah ee quud-darradu ka haysay Deeganadaasi.

Iyaddoo halkaasi soo-dhaweyn qayrul caadiya loogu sameeyey waxaanay tageen 39 Magaallo sida degaanadda  Oodweyne , Xaaji Saalax, Duruqsi, Dhoqoshay, Jaamac qabar, Nasiye, Dhagax-dheer, Dheryelley, Taallo-Buur, Bali-Calanle, Qorilugud, Coodanle, Bali-dhiig, War-Cimraan, Bali-hiile, Cadow yurura, Cali Saahid, Bali-Gorod, Ceeg. Qoyta, Kalasharka, Sheekh, Hudisa, Laaleys, Geel-lookor, Xamaas, Mandheera, Abdaal, Laas-Geel Iyo Kuwa kale.

Iyaddoo halkaasi ay isugu soo baxeen dadweyne muujinaayey tageeradda balaadhan ee ay u hayaan , Xisbul xaakinka kulmiye , si kastaba ha ahaatee tageeradda muga weyn leh ee xisbiga kulmiye ku leeyahay deganadaasi ayaa waxay sas weyn ku riday Xisbiga mucaaradka ee waddani oo musharaxoodu waqtigaasi ku sugnaa G/Togdheer , kaasi oo gebihaanba isaga huleelay.

Iyadoo  markii hore labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ay ugu fadallo cad-cadayeen Gobolka Togdheer siiba caasimadda Burco.oo ah goboladda ugu balaadhan Somaliland  isla-markaana codkoodda lagu xisaabtamo,

Weftiga ayaa ujeedoodu waxay ahayd inay kormeer ku maraan wacyi-gelinta dadka qaadashadda kaadhadhka cod-bixinta iyo u kuur-galidda arimo badan.Safarkani ayaa waxuu noqday kii ugu hadal-heynta badan Somaliland.

Meelaha ay booqdeen weftiga Musharaxa madaxweynaha Kulmiye, waxay kala kulmeen tageero balaadhan oo aan la soo koobi-karin,taasi oo muujisay sida Bulshadda ku dhaqan meelahaasi. ay u qanacsan yihiin, hogaaminta xisbiga taladda dalka haya ee kulmiye, Horumarka Balaadhan ee uu S/land ka sameeyey iyo Guusha musharaxa Kulmiye oo lagu kalsonaan karo.

Bulshadda ku kala baahsan meelahaasi ee uu socdaalka weftiga Musharaxu ku sameeyay ayaa mid waliba waxay dhinaceedda u soo bandhigtay tageeradda hagar la,aanta ee ay xisbul xaakimka Kulmiye la garabtaagan yihiin.

Waxyaalaha xusuusta ku reebay musharaxa Madaxweynaha Kulmiye. Ayaa ahaa Hadyaddo qiimo badan , Waxaana  ka mid ahaa goobaha xusuusta ku reebay .

Waxaa uu siiyey Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh .Md Axmed Diiriye Cabdilaahi :- khariidad ka sameysan Mapka Somaliland oo la gudoonsiiyey Musharaxa Xisbiga Kulmiye .

Dhinaca kale.  Qaabilaad milgo huwan ayaa lagu maamuusay, lana gudoonsiiyey hadyaddo taariikhda galay :- Suldaan Maxamuud X.Xuseen Nuur Cali. Oo ka midda Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland ayaa isagoo ku sugan Magaaladda War-cibraan gudoonsiiyey Musharaxa Kulmiye calanka Somaliland ee qiimaha badan oo ay ku xardhanyahay calaamaddda Taw-xiidka ,  isagoo ka wakiila Bulshadda Degmadda war-Cibraan. Sidoo kale Gud.Ku-xigeenka Degmadda War-cimraan ayaa isaguna waxaa uu Musharax Muuse biixi ku Wareejiiyey Astaanka Caalamadda Qaranka JSL.

Sidoo kale dadweynaha Degaanka Reer Nasiye ayaa iyaguna Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Gudoonsiiyey Hadyad Faras ah.

Degaanka Coodanle dhalinyaro  fardaha-yaqaana ayaa markiiba soo dhaweeysey. Kuwaasi oo gamaanka fardaha ee degaankaasi caan ku yahay ku soo gelbiyey.

Dhamaan Arimaha ku lamanaa safarka dheer ee gudoomiye Muuse Biixi, ayaa ahaa mid dareen gooniya saameynayey, iyadoo hadyadaha la siiyey way kal duwanayeen . waxaanay ku qotameen dareen gaara. taasi oo qalbiyadda shacabka deganadaasi xusuus badan ku reebaysa. Waxay ahayeen hadyaddo qiimo badan kuwaasi oo musaharaxii kulmiye ee ka horeeyey Muuse Biixi ay Reer Garadag Madaxweyne Siilaanyo Gudoonsiiyeen Hadyad Geenyo Ama Faras Dhedig Oo Waliba Lammaaan.

Markale Hadyadaha qaaliga ah ee la siiyey Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi. Ayaa dareenka Bulshaddu ugu garteen kuwo ku qotamay. Lexe-jecladda ,ilaalinta iyo milgaha qaranku uu ku leeyahay . madaama ay  hadyadahani marag cad u yihiin musharax Muuse biixi saameynta uu ku leeyahay dhowridda , jeclaysiga iyo ku dhegenaanta Qaranimadda JSL. Taasi oo uu halgan dheer oo qadhaadh u soo galay.

Xildhibaan Kijaandhe oo ka midda weftiga Musharaxa muuse Biixi oo ka hadlay soo dhaweyn balaadhan ee ay kala kulmeen Bulshadda tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in soo dhaweynta loo sameeyey ay gudoomeen,

Lakiin Xildhibaan kijaandhe oo sheegay inay sii mareen Degmada Sheekh . ayaa hadana soo dhaweyn kadib. si layaableh ula hadlay bulshadda ku dhaqan sheekh. Isagoo sheegay in Musharax Muuse Biixi dalka u soo halgamay , isla-markaana uu naftiisa u soo huray , haddii hogaanka loo dhiibo, ma luminaayo ayuu yidhi “dalka.Sidaad Maanta U Xanbaarteen Musharax Muuse .  Waa in aad Gushiisana U Xanbaartaan”.

Socdaalkani ayaa ahaa su.aal taagnayd iyo saameyn balaadhan oo yeelatay. taasi oo ku cadeyd fariinta ay dadweynaha deganadaasi ay direen  : oo laga dheehan-karaayey dhoolutuska iyo dareenka ay u muujiyeen Musharaxa Xisbiga Kulmiye,

Dhamaan Bulshadda degaanadaasi oo ay weftiga musharaxa Kulmiye booqdeen ayaa u sheegay inay codkoodda iyo cududoodaba Xisbiga Kulmiye u hayaan.

Waxaana uu intaasi musharaxu socodka lugta ah ku jiray uu mid mid u gacan qaadayey tageerayaal aad u tiro badan oo soo dhaweyntiisa ka qeyb-qaadanayey. Musharax Muuse Biixi ayaa shacabka reer Somaliland  u yaqiinsadeen in uu yahay shaqsiga ugu taageeradda badan Musharaxiinta Madaxweynaha Somaliland,waliba soo dhaweyntiisa laga dareemayey musharaxa mustaqbalka Hogaaminta dambe ee dalka.

Ugu danbeyn:- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa xisbiga Md muuse Biixi cabdi ayaa shalay ku soo guryo noqday magalaadda Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.waxaana iyadana laga dareemay soo dhaweyntiisa .kadib markii jidadka ay mareen gaadiid tiro badan oo dadweyne badan la saaray gawaadhida iyo dadka oo lulaayay. kuna gaashaaman calanka Kulmiye ,Boodhadh ay ku xardhan yihiin ereyo soo dhoweyn ah Weftiga Musharaxa Xisbiga Kulmiye.

Adan Yusuf Elmi

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso