Murrashaxa KULMIYE oo Qaatay Kaadhkiisa Cod-bixinta, kana Hadlay Xisbiyada iyo Ujeeddada laga Leeyahay

Hargeysa (THN )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah uga qaatay kaadhkiisa codbixinta doorashooyinka xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda maanta.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyeen masuuliyiin, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka kala tirsan tirsan xisbiga iyo xukuumadda, ayaa markii uu qaatay kaadhkiisa kadib waxa hadal uu siiyey warbaahinta uu kaga hadlay muhiimada uu leeyahay kaadhka codbixintu iyo ujeedooyinka loo sameeyey nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland.

Ugu horreyn, waxa uu farriin baaq u diray dhammaanba bulshoweynta reer Somaliland oo uu ku boorriyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxaannu yidhi, “Muddadii kaadh-qaadashada waxa ka hadhay toban casho, markaa dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay kaadhadhka qaataan, waayo waa waajibaad muwaadinka lagu leeyahay inuu kaadhka qaato oo uu doorashada ka qaybqaato oo uu ka taliyo cidda dalka maamulaysa, waana xuquuq diini ah iyo mid distoori ah, haddii uu yidhaahdo dalka taladiisa ka qaybgeli maayana waxa uu la mid yahay qof maqan oo kale, markaa labada gobol ee ay ka socoto diiwaangelinta ee Maroodi-jeex iyo Togdheer dadku waa inay ku dadaalaan inay qaataan kaadhadhkooda, halkay ku ridayaan qor bay u yihiin oo dimuqraadi weeye dadku, xisbiyada waxaynu u samaysanay in qof waliba halka uu doorbido iyo qofka uu isagu la jeclaado inuu doorto xor buu u yahay, xisbiyada waxaynu u samaysanay in aynu kaga baxno qoqobnaanta, qabiilka iyo qof jeclaysiga, markaa dadku iyagoo xor ah oo sidii markay dhasheen Ilaahay xornimada u siiyey ee Ilaahay bani’aadamka u karaameeyey ah inay qaataan kaadhkooda oo qokay doonayaan iyo xisbigay doonayaan u codeeyaan.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay xisbiyada Somaliland iyo ujeeddada loo sameeyey oo uu ku tilmaamay inay tahay sidii dalka iyo ummaddaba ugu horseedi lahaayeen horumar iyo barwaaqo, waxana uu bulshada ku adkeeyey inay danta guud muhiimad gaar ah siiyaan, “Waxaynu doonaynaa inaynu dalkeena nabad iyo horumar u samayno, doorashada iyo xisbiyadana ma rabno inay fadqalalo, colaad iyo fowdo naga galaan, annaguna waanu ku dardaaranynaa naftayada, dadka nagu taageersanna waanu dardaaraynaa, xisbiyada iyo dimuqraaddiyaddu waa inay horumar inoo keenaane maaha inay rabshad iyo buuq kale inoo keenaan, dadkana waxaan ka codsanayaa inay qaranimada ka hormariyaan qofnimada iyo shakhsigu waxa uu doonayo, haddii aynaan qaranka helinna qofkuna waxba heli maayo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ku adkeeyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii dalka loo horumarin lahaa, isla markaana loo gaadhi lahaa yoolka guud ee qarankani leeyahay, isaga oo umadda u rajeeyey guul waarta.

MUUQAALKA HADALKA GUDDOOMIYAHA

Advertisement

Ku Xayeysiiso