Laba Xeer oo ay ansixiyeen golaha wasiirada Somaliland maanta

Kulankii Golaha wasiiradu khamiista ku yeelan jireen qasriga madaxtooyada Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad maanta oo ay taariikhdu tahay 20.07.2017   oo uu shir gudoominayey madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah

1.    Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.

2.    Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.

Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo  xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso