Gudaha Ka Eeg :Guddoomiye Cirro Oo Hada Baaq Nabaddeed U Direy Beelo Dirir Ku Dhex-Martay Deegaanka Ceel-Afweyn

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu caawa fiidkii si deg-dag ah uu baaq nabaddeed ugu direy laba beelood oo walaalo ah oo mar kale dirir colaadeed ay ku dhex-martay deegaanka Darar-weyne ee degmada Ceel-afweyn.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo hada la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu labadaas beelood ba ka codsaday in ay dirirtaa colaadeed ay ku soo dabbaalaan nabad iyo xasilooni isaga oo sheegay in dagaalka uu wiil ku dhinto balse aanu wiil ku dhalan.

“Waxa aan halkan uga dirayaa baaq nabaddeed shacbiga Somaliland ee walaalaha ah ee wada degan degmada derar-weyne ay na soo gaadhay in xoogaa shaqaaqo darro ahi ka dhacday ay na soo gaadhay oo dad ku dhinteen qaarna lagu dhaawacay, tirada ma sugi karo hada laakiin warka na soo gaadhay waxa uu sheegayaa qof illaa laba qof in ay ku dhinteen, dad badani na ku dhaawacmeen, degmadu na ay hada tahay degmo dagaal ka socdo, markaa shacabiga walaalaha ah ee halkaas degan waxa aan ugu baaqayaa ee degmooyinka darar-weyne, ceel-afweyn iyo gar-adag iyo guud ahaan ba gobalka Sanaag in nabad-gelyada laga wada shaqeeyo oo walaalnimada la soo celiyo sida oo kale na colaada la joojiyo, dagaalka la joojiyo, dagaalka na wax inaga ga dhinta mooyaanee waxba innoogu soo kordhi mayaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro, waxa sida oo kale uu fariin u direy ciidamada Booliska Somaliland iyo weli ba sida oo kale shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi oo uu ugu baaqay in si weyn loogga wada qeyb-qaato siddii loo demin lahaa dirirtaas colaadeed, waxaana uu yidhi:-

“Ciidamada Amaanka iyo xukuumadda na waxa aan ugu baaqayaa in ay xilkooda iyo waajibkooda ka gutaan siddii nabad looggu soo dabbaali lahaa halkaas. Waxa aan salaadiinta, wax-garadka, shacbiga, haweenka iyo dhallinyarada ba in laga qeyb-qaato gurmadka nabadeynta degmadaa shaqaaqadu ka dhacday.”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso