Gudaha Ka Eeg :Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Oo Xadhiga Ka Jaray Transmitter Laga Hirgaliyay Radio Muqdisho + Sawiro

Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Oo Xadhiga Ka Jaray Transmitter Laga Hirgaliyay Radio Muqdisho .

 

– Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa xariga ka jaray Transmitter 5 KW ah oo laga hirgeliyey Raadiyo Muqdisho si maqalku u gaaro deegaano fara badan.

Si kor loogu qaado wacyi galinta bulshadda ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa Qaramada Midoobey UNSOS iyo BKT waxa ay ku guuleysatay inay hawada geliso FM 5.000 oo Waad ah kaasoo cod baahiyaha Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaarsiinaya si toos shanta Gobol ee ku hareereysan Muqdisho.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa xafladda daahfurka mashruuca balaarinta Raadiyaha Qaranka..

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in sare u qaadidda tayada Idaacada ay muhiim u tahay bulshada, waxaana uu intaa ku daray in tallaabadan ay xoojineyso in bulshada Soomaaliyeed ay gaarto siyaasadda dowladda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahaweyn ayaa bogaadiyay horumarka Radio Muqdisho iyo Warbaahinta Qaranka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusf Al-cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis waxa ay si wadajir u sheegeen in balaarinta dhegeysiga Radio Muqdisho ay muhiim u tahay la dagaallanka afkaarta qaldan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxa uu tilmaamay in Wasaaradda ay kordhinayso howlaha kor loogu qaadayo wacyi gelinta bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo daah furay mashruuca balaarinta Radiyo Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waxa uu ku tilmaamay tallaabo hore loo qaaday.

1951 dii ayaa la aas aasay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waa uu door ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya kaddib burburkii Soomaaliya iyo waqtigan lagu guda jiro dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso