Tacsi Xisbiga Kulmiye u Diraayo Geerida Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

17 July 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne oo ka mid ahaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 17/07/2017.

Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne waxa uu ka mid ahaa odayaashii waayo-aragga ah ee ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii, nabadayntii iyo horumarkii dalka Somaliland, isagoo ka mid ahaa xildhibaannadii Wakiillada ee golayaashii Baarlamanka hore ee Somaliland, sidoo kalena waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Marxuum Madaxweyne Cigaal, waxaannu waqtigan ahaa xildhibaan xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Buuhaadle.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso