Baaq iyo digniin ku socota mummadda reer Somaliland

Baaq iyo digniin ku socota mummadda reer Somaliland

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda.

Baaqan oo ay soo saareen, odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska

Sida la wada ogsoonyahay wuxuu dalku guda galay doorasho ay bulshada reer Somaliland aayahooda kaga tashanayaan kuna dooranayaan xisbiga ay u arkaan in uu yahay mid ay aayahooda ku aaminaan gaadhsiinna kara horumarka uu higsanaayo shacabka  reer Somaliland ,waana bulsho u bislaatay in ay doortaan kolba ka ay u arkaan in uu hanan karo kuna hoggaamin karo Allah ka cabsi,simid ,ilaalinta nabadgelyooda,adkaynta qarannimada dalka.

Haddaba waxay noola muuqata qaybaha kala duwan ee dalka .

Dawladda  

Ilaalinta habsami u socodka doorasha in ay xil waafiya iska saaraan

taariikh dhaxal gal ahna dhaxal u reebtaan xisbyadana dhex u noqdaan

Xisbiyada qaranka ee loollamaya

Xisbiyadu in ay bulshada tusaan muuqaal wanaagsan oo ay bulshadu ku aamminto.

Golaha guurtida Somaliland

In ay ka qaybqaataan wacyigelinta guud ee kala gudboon dalka.

Culimada

In ay doorkooda wacgelineed xagga nabadgelyada aanay ka aamusin.

Bulshada reer Somaliland guudahaan digniin ku socota

In ay ku dedaalaan qaadashada kaadhka aqoonsiga doorashada kaas oo ah ka muujinyaa awoodda shakhsinimada Somalindarnimada oo aad kaga duwantay ciida aan reer Somaliland ahayn waxaana wanaagsan in lagu fara adaygo oo aanu si hawl yar kugu dhaafin.

Oday Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso