Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin

Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin


Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaar tahay inay ku codayso musharax.

Balse raga hadaladaa kazoo yeedhaya waxay indhaha ka qarinayaan xaqiiqda jirta inay sidaa ku dawan tahay jiraana aqoon yahan fahansan mas’uulka ku haboon inay talada dalka u dhibaan una codeyaan.

Dadka codeeya waa dhalin yaro, dhalinyaradana manta ninka la saxiiba ee soo dhawaysta ayaa ka helaya codka, waxuuna noqonayaa musharaxa ku guulaysan doona talada dalka.

Hadaynu tusaale soo qaadano xisbiga kulmiye markii ururada la furayay waxuu ahaa xisbi ay dhalinyarada ka dhex muuqato halka ururkii sahan uu isagana ahaa mid ay dadka waawayn ku bahoobeen balse waxaa awood batay xisbigii dhalinyarada ay daa dihinayeen ee ahaa kulmiye.

Waxaa intaa dheer manta cida codaynaysa ee isbadalka u baahan waa dhalinyarada jamhuuriyada Somaliland waxayna u baahan yihin kuwii dadka hore u boobay iyo kuwa manta boobaya inay dalka taladiisa kala wareegaan.

Waxaa intaa dher kuwa cardka qaadanayaa waa dhalinyaro, dhalinyaradaas waxay arkaan ragii waa waynaa oo leh musharaxan ayaan idin wadaa markuu talada ku guulaystana anagaa idin daba galayno oo idinkaga soo qaadayno waxa aad xaqa u leedihin, ee doorkan arinka sidaa way ka duwan tahay, oo waxaa la raacayaa ninka faceka hore soo dhigta dhalinyarada, dadka waa wayna nasiya.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan musharaxa aan soo jeedinayo dareenkisa waxaan leeyahay xaqiiqda haka tagin, kuwan ku hareera socda lama ogola oo way calaamad sanyihin mas;uuliyintan magacoodu loo soo shirkoodu waa inta ay xilka hayaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso