Gudaha Ka Eeg :Gaadhi Ka Mid Ah Gaadiidkii La socday Waftiga Murasahax Muuse Biixi Oo Shil Galay .

Warsaxafadeed

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan Hawd gobolka oo ay u kuurgalayaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada kaadhka codbixinta oo hadda gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Haddaba, intii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi maanta waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa.

Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle) iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Burco.

Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado taageero ah loogu sameeyey.

Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda

ALLAA MAHAD LEH.

 

Cali Jaamac Maxamed

_________________________________

Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso