Daawo Wasiiru Dawlaha Amniga oo Kulan Dardar Amniga ah Iskugu Yeedhay Gaadhadhka Lixda Degmo ee Caasimada Hargeysa

Hargaysa(THN) – Wasiiru  Dawlaha  Amniga  Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha  JSL  Maxamed Muuse Diiriye  Ayaa   Maanta   Xarunta Wasaarada  Kulan  kula  yeeshay   Gaadhka   lixda  degmo  ee xaafadaha   caasimaha Hargaysa.

Kulankan yaa daarnaa sidii  oo  dardar galin lahaa    amniga  iyo wada  shaqaynta    laamaha  amaanka qaranka .

Wasiirudawlaha  Ayaa   dhamaanba gaadhka  xaafada ku  booriyey  inay la  shaqeeyaan  laamaha  amniga  maadaama ay  iyagu  ka war  hayaan  xaafadaha   isla  markaana ay  isha  ku  hayaan  guryaha  laga  baxo  iyo    cida  soo  gashaba .

dhinaca kale   guddoomiyaha  guud ee gaadhka  caasimada Hargaysa  Maxamuud Ganay ayaa  balan qaaday  inay la shaqayn doonaan laamaha  amaanka  isla markaana  ay dadka  ku wacsi  galindoonaan   sidii  ay  u  qaadan lahaayeen  kaadhadhka  codbixinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso