Madaxweynaha 13 November la doorta, Somaliland ma ka badbaadin karaa masiibooyinka Mataana ah

Madaxweynaha 13 Noovenber la doorta, Somaliland ma ka badbaadin karaa Masiibooyinka Mataana ah

laga bilaabo horrantii sannadihii 60 kii , markii waddamada Afrika badankood ka xoroobeen gumeystihii mudda dheera soo cadaadinaayey iyo ilaa maanta qarnigan 21 aad, waxa muuqata in bulshada ku nool qaarada Afrika  aaney horumar la taabto ka gaadhin nolosha marka laga fiiriyo dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin dhaqalaaha, shaqo abuurka, caafimaadka, wax-barashada iyo  baahiyaha aasaasiga ah ee Bini’aadamku u baahan yahey.  Sababta ugu muhiimsan ee Afrika qeyrkeed ka reebtey waxa kow ka ah laba masiibo oo la moodo mataano ,midba mida kale sii xoojiso oo ku habsadey, ilaa haatanna wali jidkii lagu xalin lahaa aaney waddamada badankoodu cagta dhigin. Labadaa Masiibo oo ah Faqri iyo Cadaalad Daro.  

Somaliland oo ka mid ah waddamada dunida ugu saboolsan waxa sida la filayo ka dhici doona, Haddi Rabi raali ka noqdo, Doorasho lagu dooranayo Madaxweyne Dalka Hogaamin doona 5 sanno. Haddaba, dorashadan dalku geli doona waa mid ka duwan doorashooyinkii hore marka la eego dhaqaalihii dadka oo sicir barar sababtiisu tahey awood daro dawladeed naafeeyey, abaar baahsan oo duunyadii iyo deegaankii xaalufisey, walina diifteeda sii muuqato, sida looga soo kabtaana adagtahey, bulshada oo inti Somaliland jirtey hadaf mideysan laheyd oo sii kala foogaaneysa iyo qoqobkii qabyaalada oo xadhkaha goostey. Dhibaatooyinkan Somaaliland ku habsadey waxey sidoo kale sii xoojiyeen labadii masiibo(waa Faqriga iyo Cadaalad darada) ee markii horeba waddanku la daala dhacayey.  

 Dhibaatooyinka dalka gudihiisa waxa maanta inoo sii dheer shaqaaqoyinka siyaasadeed iyo colaadeed ee ka aloosan Mandaqada aynu ku nool nahey, haba ugu sii darnaadaan daruuraha colaadeed ee dul hoganaya waddamada Jabuuti iyo Eriteeriya, dagaalka sokeeye ee ka holcaya Yeman, khilaafka siyaasadeed waddamada Khaliijka ee sii murgaya iyo hagardaamooyinka Somaliland ka dhanka ah ee laga soo maleegayo Xarunta Soomaaliya looga taliyo.

Sedexda Murashax, Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Ciro iyo Musse Biixi, ee u hanqal taagaya hanashada Hogaanka Dalka ugu sareeya, midkee Himilida bushada Somaliland rumeyn kara, hadafka aynu leenahey ina gaadhsiin kara, cadawga Somaliland si geesinimo ku dheehan tahey inooga difaaci kara, masiibooyinka mataana ah ah ee faqriga iyo cadaalad darada, Afrikana qeyrkeed ka reebey  inaga badbaadin kara ? Waa su’aal jawaabteedu u taalo Shacabka Somaliland ee Gudaha dalka ku nool, diyaarna u ah in ay codkooda u hibeeyaan Murashaxa maankoodu rabo.

Waa Bilaahi Towfiig,

Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Ciro

Brussels,

Belgium

mederka@hotmail.com

               

Advertisement

Ku Xayeysiiso