Wafti uu hogaaminaayo Gudoomiye Muuse Biixi oo lagu Soo dhaweeyey Deegannada Cadow Yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg

Wafti uu Hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Cadow Yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg

Cadow Yuurura:(THN)-Gudoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalooyinka cadow yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg oo dhammaantooda ka tirsan gobolka Togdheer, waxana ay shacabka halkaas ku dhaqani muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo safar ay ugu guur gelayaan qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha oo gobolka Togdheer ka socda, ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta ay dadyowga deegaanadaas ku dhaqani u sameeyeen, waxana sheegeen in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay diyaar u tahay sidii ay horumar ballaadhan uga geysan lahayd goobahaas, isla markaana u dabooli lahayd wixii baahiyo ah ee ay qabaan.
Maamulka magaalooyinka iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeedda deegaamadan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn xukuumadda KULMIYE ugu ammaanay waxqabadka ay gebi ahaanba dalka ka hirgelisay, waxana ay codsadeen in laga taageero dhinacyada kala duwan ee nolosha Bulshada oo ay tilmaameen inay waxoogaa tabashooyin ahi ka jiraan,

Advertisement

Ku Xayeysiiso