Somaliland U Hiili Markaaga !!! By: Maxamed C/laahi Cige

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIN

Dhamaan Akhristayaasha qormadan kooban waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka salaamucaylkum wa raxmantulihii wa barakaatuhu, salaan ka dib waxaan  jeclaystay inaan bulshada  la wadaago dhiirigalin ku saabsan kaadh-qaadashada, anigoo jecel inaan u dhigo sida ugu kooban ee la fahmi karo bulsho ahaan.

Marba Marka Ka Danbaysa Waxaa Sii Badanaya Dadka Ku Odhanaya Kaadh-Qadanmayno, Codayn Maynoo, Isma Dhaamaan Xisbiyadu Iyo Weedho La Mid Ah.

Somaliland Waxay Qaatay Habka Xisbiyada Iyo Doorashooyinka Kaas Oo Kursiga Madaxtinmada Lagu Soo Gaadhi Karo Cod Shacab Kaliya.

Haddaba Qofka Aaminsan Inaanu Kaadh-Qaadan Ama Aanu Codayn Sow Qarankan Xagiisa Loogama Soo Dhicin, Sow Danaystihii, Qabaalaystihii, Qabqabilihii Iyo Qaran Dumiskii Dalkan Hogaanka U Qaban Mayaan, Isagoo Waddo Kasii Dhiganaya Inta La Fikirkaa Ee Aad Ku Daawanaysid !!!!

Xal Maha Inaad Gamcaha Kala Laabato, Kolayba  Masuul Ayaa La Dooran Doonaa Waloow Hal Qofna Ha Codeeyee Hadii Alle Ogolaado!

Hadda Waa Go’aankaaga Waa Markaagii In Badan Talada Dalkan Cidna Waxba Kama Waydiin Haddase Adiga Ayuu Ku Xidhanyahay Madaxweynaha Jamuuriyada Barkaysani Muddo Xileedka Soo Socda Insha Allah.

Waxaad  Haystaa Saddex Musharax Oo Kala Duwan Illahay Amarkii, Dooro Madaxweynaha Ay Ku Jirto Danta Diinta, Dalka, Dadka Iyo Somalilandba.

Ha U Eegin Qabiil, Dan Gaara Iyo  Nin Jeclaysi Somaliland U Hiili Markaaga.

Sidaas Awgeed Qofkii Fursad U Helay Inuu Is Diwaangaliyo, Hadda Ha Doonto Kaadhkiisa, Hadii Rabbi Idmo Si Uu Qayb Uga Noqdo Dhiiga Cusub Ee Somaliland Wareejin Doona Xilliyada Soo Socda, ku darsoo waa xaq dastuuri ah.

Waad Mahadsantiiin

 

Maxamed Cabdilaahi

Madadaal222@gmail.com

Hargeysa-Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso