Gudaha Ka Eeg :Wafti Isugu Jira Wasiiro Iyo Agaasimayaal Oo Kormeer Ku Soo Sameeyay Deegaannada Hoos Taga Gobolka Maroodijeex Ee Kaadh-Qaadhashada Codaynto Ka Socoto + Sawiro

Waftig isugu jiraa Wasiiro, Agaasimayaal Iyo Saraakiil kale ayaa kormeer balaadhan ku soo sameeyay Deegaanno hoos taga Gobolka Maroodijeex .

Waftigan oo  uu hogaaminayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa waxaa wehelinayay Masuuliyiin kala ahaa, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Kaysar C/laahi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka kalluumaysiga Muj Cabdi-Wadaad, Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Jaamac Shabeel, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Fu’aad C.salaan, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Hawada Cumar C/laahi Aadan, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen DHabeeye, Maamulaha Madaarka Maxmaed Yuusuf, Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Madax-Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale .

Waxaana Masuuliyiintani ay kormeer ku soo mareen Deegaannada Kala ah, Qoolcaday, Salaxley, Higlada, Qoolbuulale, Labi-Sigaala,Balli-Mataan iyo Deegaanno Kale, si ay ugu kuur-galaan Qaabka ay Deegannadaasi ay uga socoto Kaadh-qaadashadu .

Sidoo Kale Masuuliyiintan ayaa intii ay ku jireen Socdaalkan ay ku marayeen Deegaannadan, Waxay kala kulmayeen Soo Dhawaymo Heer-Sare ah, iyadoo la arkaayay taageerayaal kor u lulayaa Calanka astaanka u ah Xisbiga Talada haya Ee KULMIYE .

Masuuliyiintan isugu jira Wasiirada iyo Agaasimayaasha ayaa dhamaan Deegaannadii ay mareen ka jeediyay Khudbado ku tacalluqa qaadashada kaadh-ka Codaynta, iyagoo bulshada Deegannadaasi ku dardaarayay in ay qaataan kaadhadhka Codaynta .

Waxaanay ku dheeraadeen Masuuliyiintaasi qiimaha kaadhkan Codayntu u leeyahay, iyagoo sheegay in Kaadhkani yahay ka ay ku dooranayaa Hogaanka ay u arkaan in uu Dalka Anfacayo .

Sidoo kale Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Deegaanadaasi ayaa halkaasi ka ballan-qaadayay in ay dadaal badan ku bixinayaan sidi bulshadu u qaadan lahayd kaadhka codaynta .

Waftigan oo ahaa mid miisaan leh, ayaaa socdaalkiisa ku soo gunaanaday Degmada Ball-mataan, isagoo Maanta ku soo laabtay Magaalada Hargaysa .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso