Gudaha Ka Eeg :Shirka hordhaca Golayaasha Wasiirada ee Federaalka & Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa shir-guddoomiyey shir hordhac ahaa oo ay Golaha Wasiirada Federaalka iyo Golaha Wasiirada Jubbaland ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirkan ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, xubnaha wasiirada iyo shacabka Jubbaland sida sharafta leh ee loo soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhoweeyey Ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo wasiirada Federaalka una sheegey in Jubbaland ay aad ugu faraxsantahay in shirka Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka Golaha Wasiirada ee ka dhacaya Kismaayo uu yahay mid taariikhi ah oo ujeedadiisu tahay in Dowladnimada loo dhoweeyo shacabka deegaanada dalka oo dhan.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso