“EU waxay warejinaysaa qalab sare logu qaadayo awoodda Booliska Soomaaliyeed“ War-Saxaafadeed

EU waxay warejinaysaa qalab sare logu qaadayo awoodda Booliska Soomaaliyeed

 

 

WAR SAXAFADEED

 

July 13 2017

 

EU waxay warejinaysaa qalab sare logu qaadayo awoodda Booliska Soomaaliyeed

 

 

Gawaari, qalabka meeleeyaha caalamiga ah (GPS), nidaamka raadiyaasha, qeybiyasha interneet.ka (routers) iyo hanti kale,oo aay ku jiraan qalab xafiiseed ayaa EUCAP Somalia waxay ku warejisay Booliska Soomaaliyeed Taarikhda marka ay ahayd July 13, taasi oo qayb ka ah heshiis u dhaxeeya Howlgalka EUCAP Somalia (oo horay loo yaqiin EUCAP Nestor, saldhiggeeduna ahaa Jabuuti) iyo Wasaraada Amniga Gudaha (MoIS).

 

 

Xafiiska EUCAP ee Jabuuti waa lasoo xiray ayadoo laga soo badalay howl-galka EUCAP mid gobaleed loona badalay hal wadan (Soomaaliya).

 

Qalabkaan oo aay ka maarantay Howlgalka EUCAP ee Jabuuti ayaa waxuu qayb wayn ka

 

qaadanayaa guulaha howlgalka EUCAP Somalia ayadoo lagu taageerayo saaxiibada qaranka iyo

 

waliba dadaalada guud ee awood dhisida.

 

.

 

 

Kaalmadaan waxay qayb ka tahay nidaamka EU ee isku dhafka ah si loo ziyaadiyo awoodda ku aadan dadaalada nidaamka sharciyadeed ee Soomaaliya. Si lamid ah waxay tani muujineysaa nidaamka is raacsan ee beesha Caalamka, ayadoo barnaamijka Nidaamka Sharciga ee wadajirka (oo aay EU.da lacagtiisa bixiso) fududeeyay kasoo wareejinta qalabkaan bakhaarada Howlgalka EUCAP uu ku lahaa Jabuuti loona wareejiyey meela kala duwan ee Soomaaliya ku yaala. Daabulidda Badda waxa gacan ka gaystay maraakiibta UNDP.

 

 

 

Wasaraadda Aminga Gudaha waxay u kala qoondeneysayaa hantidaan Booliska Muqdishu, Maamulka ku meel gaarka ee Jubbaland, Maamulka ku meel garka ee Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, Maamulka ku meel gaarka ee Galmudug iyo Puntland.

 

 

Taageerada noocan oo kala ah waxay u taagantahay sara u qaadista hadafyada hormarinta awooda Booliska Soomaaliyeed ee waqtiga dhow iyo kan fog ba.

 

Taariikhda EUCAP

 

EUCAP Somalia waa howlgal rayid ah ee ka tirsan EU.da, wuxuuna hoos tagayaa Siyaasada Difaaca iyo Ammaanka Guud, taasi ka caawisa Soomaaliya xoojinta awoodeeda si loo xaqiijiyo ammaanka badda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

EUCAP Somalia

 

Press and Public Information Office

 

EU Capacity Building Mission in Somalia (EUCAP Somalia)

 

International Campus, Mogadishu International Airport,

 

Mogadishu, Somalia

 

Somalia’s mobile +252 699012497

 

Kenya’s mobile: +254 727106645

 

Email: francesca.marretta@eucap-som.eu

 

Web: www.eucap-som.eu

 

Facebook: https://www.facebook.com/eucapsom

 

Twitter: https://twitter.com/EUCAPSOM

Advertisement

Ku Xayeysiiso