Dalka Inta Shaqo Beeshay Keliya Waa Inta Shaqo Raadiska Ah Ee Subaxii Kallahda.

DALKA INTA SHAQO BEESHAY KELIYA WAA INTA SHAQO RAADISKA AH EE SUBAXII KALLAHDA.

INTA AAN KALLIHIN EE AAN WELIGOOD SHAQO RAADIN MA CAMAL LA’A EE WAA AY KARTI LA’ YIHIIN!


”Participation Rate” waxa hubaal ah in aad maqashay in badan erayga shaqo la’aan oo hay’addaha shisheeye, xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland amma dad sheeganaya in ay yihiin qaar waxbartay oo aqoonyahanno ahi ay si isku mid ah ugu tiraabayaan si indho beel ah.Ma se iswaydiisay sidee lagu ogaan karaa heerka shaqo la’aanta Somaliland ay sida rasmiga ah u joogto? Sahan xisaabeed noocee ah ayaa la sameeyaa ka hor inta aan loo galin in la cayimo heerka shaqo la’aantu ay dalka ka joogto?

 

Si aad u ogaato – fadlan aad dhugo sahan xisaabeedkan rasmiga ah ee daraasaadka lagu sameeyo ka hor inta aaney shaqo la’aanta la saami boqollayn (%):-

 

Sahan xisaabeedka ”Participation Rate” waa qiyaas suuqa shaqada iyo dhaqaalaha la la dhex qaado ka hor inta aan la sheegin tirada shaqo la’aanta dal ee la baadigoobayo. Farsamo cilmiyeedkan waxa lagu mashkixiyaa ilaha ganacsiga suuqa, xoogga dawladda qaybta kharashaadka (pubic Expenditure), dhoofka, soo-dajinta, suuqa lacagta iyo wax-is-waydaarsiga irridaha dalka ka dhex socda (Border Exchange of business & Trade).

 

Qiyaasta hantida guud ahaan dalka taal ee shaqada laga abuuri karo marka la soosaaro, ayaa waxa loo guda-galaa xoogga dalka ee tabci kara (Labour Force). Tusaale ahaan waxa aad haysataa suuq muggiisa dhaqaale yahay laba bilyan oo doolar (two billion dollars), sidoo kale waa in aad hesho qiyaasta tirada dadka ee shaqeeya iyo inta diyaarka ah ee shaqo raadiska ah.

 

Cabbirka kuu soo baxayaa waa inta shaqada daydayeysaa in ay keliya tahay inta shaqo la’aanta joogta! Waayo qofka aan weligii shaqo daydayin in xisaabta loo gu daro in uu shaqo la’ yahay waa u nacasnimo qaranka iyo cid wal oo sidaa u fekerta. Inta shaqo raadiska ah marka la helo qiyaastooda ayaa la odhan karaa dalka boqolkiiba intaa ayaa bilaa shaqo ah.

Hadda se qiyaasaha aan akhriyey tan iyo intii Somaliland shaqo la’aanta laga warramayey; waa kuwo u muuqda in aan marnaba la isticmaalin qiyaas xisaabeedka ogaanshiyaha heerka shaqo la’aanta Somaliland (Participation Rate). Sababta oo ah waxa la is dhex wadaa qiyaasta inta shaqaysa iyo inta aan shaqayn oo boqollay la galiyey!

Haddii se cilmiyan la rabo in lagu ogaado heerka shaqo la’aanta Somaliland waa in marka hore la yaqaanaa wax-soosaarka gudaha (Gross Domestic Product) inta uu yahay, tirada saxda ah ee xoogga ah ee shaqayn karta. Sidaa soo ay tahay waa in iyadana loo sii kala saaro inta shaqo raadiska ah (Active Portion) iyo inta fadhiidka ah (Apathy Portion), inta xidhan (Incarcerated) inta gabowday, xanuunsan amma laxaadka la’ (Incapacitated).

Marka hawsha intaa le’eg la kala sifeeyo ee mid walba qiyaas sugan oo cabbir xaqiiqo ah lagu dhigo ayaa loo gudbi karaa in la sugo amma boqollay la galiyo inta aan shaqayn amma heerka shaqo la’aanta qaranka. Haddii se wax walba la isku jacburiyo waxa hubaal ah in weli ay xaqiiqadii maqan tahay. Waa sidii oo cudur fardaha galay laga gubayo dameeraha.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@warwickgrad.net  

Advertisement

Ku Xayeysiiso