Yaa yidhi qofka madoobi wuu fool xun yahay?

Quruxdu waa walax la isku raacsan yahay in ay jirto, balse aan la isku waafaqsanayn waxa ay tahay iyo sida ay tahay midna, wax qeexitaan ahna aan lahayn! Ma laha meel loogu soo hagaago, mana laha goob kulmisa. Ma jiro shay ay dadka oo dhani isku raacsan yihiin inuu qurux badan yahay, mana jiro shay ay dadka oo dhani isku raacsan yahay inuu fool xun yahay. Ma jirto qurux dadka midaysaa, sidoo kalena ma jirto fool-xumo dadka midaysaa. Quruxdu waa shay uu qof weliba si u haysto, una samaystay macne isaga u gaar ah kaasi oo aanu qofina kala mid ahayn qof kale. Tusaale ahaan, haddii aad qof tusto shay aanu hore u arag, waxa uu ku odhanayaa shaygaasi wuu qurux badan yahay ama wuu fool xun yahay, tanina waxa ay ku tusaysaa in ay quruxdu tahay shay ku qaabaysan maskaxda qofka. Quruxdu mararka qaar wakhtiga ayaa ay isla beddashaa oo waxa la arkaa in walax shalay qurux badnayd ay maanta fool xumaato. Sababahaas oo dhan awgood ayaanay quruxdu wax qeexitaan ah u lahayn illaa maanta.

Haddaba, sababta ugu weyn ee keentay in midabka cas ama caddaanka ah loo arko inuu yahay mid qurux badani waa iyada oo labadaas midab ay yihiin laba xaddaaradood oo waaweyn oo midina uu hore dunida u soo maray (casaanka oo dowladihii Islaamka hogaamin jiray), ka kalena ee caddaanka ahina uu maanta dunida hogaaaminayo, waa reer Galbeedka’e.

Sida caadiga ah, dadku mar walba waxa ay wanaag u arkaan wax walba oo ay sameeyaan cidda dunida hogaaminaysa wakhtigaas ay joogaan. Tusaale ahaan, markii uu Islaamku dunida hogaaminayey, gaal iyo muslimba waxa lala bixi jirey gadh weyn, waxaana loo labbisan jiray sida ay u labbistaan dadka muslimiinta ahi. Maanta waxa loo labbistaa sida ay u labbistaan reer Galbeedku, waxa loo xiirtaa sida ay u xiirtaan reer Galbeedku, waxaana loo dhaqmaa sida ay u dhaqmaan reer Galbeed marka aad dhinac walba ka eegto xagga Siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga iwm. Sababtaas awgeed ayuu midabka caddaanka ahi u noqday qurux, nidaamka siyaasadeed ee reer Galbeedku u noqday qurux, wax walba oo galbeed ka yimaadda ama xidhiidh la lihina qurux u yeesheen! Balse waxa hubaal ah, haddii ay wakhtiyada soo socda dadka madoobi dunida hogaaminayaan, in la arki doono dad is madoobeeyey (dad is caddeeyey ayeynu aragnee), san weyn oo ka Afrikaanka oo kale ah samaystay, dibno (bushimo) buurbuuran isku yeelay, timahooga adkeeyey oo dhinac walba Afrikaan iskaga ekaysiiyey. Aragtida quruxda ee noocan ahi waa mid wakhtiga isla beddasha oo la jaan-qaadda hadba casrigii la joogo. Markaas, cidda u haysata inuu caddaanku qurux badan yahay, waa qof ogolaaday in la aaso quruxdii maskaxdiisa ku jirtay oo qurux looga dhigo hadba ninkii dunida hogaamiya midabkiisa. Bal ha la ii sheego farqiga u dhexeeya saddexdan midab ee aynu labada shisheeyaha ahna caashaqnay, ka innoogu xigana geeska gelinnay.

Mustaqbalka, dad is madoobeeyey la arki doonee!

Qore: Maxamed Sharma’rake

sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso