Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Gaadhay Degmada Balli-Khayr (Ex-Balli-Dhiig) Iyo Dadweynaha Degmadaasi Oo Soo Dhaweyn Aan Hore Loo Arag Ku Qaabilay.

Guddoomiyaha ahna murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Degmada Balli-Khayr (Balli-dhiig) ee gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha oo ay wehelinayaa Wasiiro ka Tirsan Xukuumada KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Saraakiil sare sare oo hormuud ka ah Xisbiga KULMIYE ayaa si aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyay degmada Balli Khayr.

Socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa ujeedkiisu yahay wacyigalinta iyo in bulshada deegaanadaasi lagu dhiirigaliyo qaadashada Kaadhka Codbixinta doorashada oo ka socota Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Qadasho sharaf loogu sameeyay degmada Ballidhiig halkaasi oo Guddoomiyaha Lagu soo Dhaweeyay Gamaan Faras iyo gaadiid aad u tirobadan , Odayaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi ayaa guddoomiyaha ugu mahadceliyay booqashadiisa iyaga oo hoosta ka xariiqay inay codkooda u hibayn doonaan Murrashaxa KULMIYE markay doorashadu timaado.

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadnaqay dadweynaha soo dhaweeyay Waxaanna uu kula dardaarmay inay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay u codeeyaan doorashada soo socota iyo doorashada baarlamaanka .

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaal lagu dardargalinayo ku marayay deegaanada Hawdka ee Gobolka Togdheer si bulshada Somaliland loogu Wacyigaliyo Muhiimada Kaadhadhka codbixinta.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso