Dawlada Farmaajo Waxa ay Dib u Dhisaysaa Ciidankii Somaliya Hadaba Musharaxiinta u Tartamaysa Doorashada Madaxtooyada keeba kor u qaadi kara tayada iyo tirada ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland si looga Hortago Ciidanka Xamar Dhisanayso

DAWLADA FARMAAJO WAXA AY DIB U DHISAYSAA CIIDANKII SOOMALIYA;HADABA MURASHAXIINTA U TARTAMAYSA DOORASHADA MADAXTOOYADA 2017,KEEBAA KOR U QAADI KARA TAYADA IYO TIRADA CIIDAMADA JAMHUURIYAD SOMALILAND SI LOOGA HORTAGO CIIDANKAA XAMAR DHISANAYSO?.

W/Q Maxamed Dahir Axmed
Dhaarta dastuuriga ah ee lagu dhaariyo Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland waa sidan “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”
Daacad u noqoshada dalka waxa ka mid ah difaaca dalka,diyaarinta agabkii iyo cududii lagu difaaci lahaa dalka.Khiyaamaduna waxa ay noqonaysaa adigoo qacan saar la yeesha cadawga Jamhuuriyada Somaliland noocu doonaba ha noqdee.
Somaliland waxa kursiga Madaxwaynaha u tartamaya saddex murashax,Faysal,Muse iyo Cabdiraxman. Saddexdooda Murashaxa ,murashaxa ciidan dhisi kara,farsamo ahaan iyo khibrad ahaana fahansani waa Murashaxa Kulmiye Mudane Muse Bihi Cabdi,marka la eego aqoontiisa ciidan,waayo aragnimadiisa dal iyo dad difaacid. Inkastoo Mudane Faysal Cali Waraabe laftiisu ku adagyahay gooni isutaaga Jamuuriyada Somaliland,dalkana jecelyahay,malaha farsamo ciidan lagu dhiso,cadow shiseeyana lagu horistaago.
Dhinaca kale Murashaxa Waddani,Mudane Cabdiraxman Cirro ma laha khibrad ciidanka difaaca dalka lagu dhiso,laguna waajaho ciidamada cadowga. Xaga daacadnimada iyo dalka jacaylka Faysal iyo Musaba way ka horeeyaan,isaga waxa lagu xantaa in uu xidhiidh hoose la leeyahay kuwa ciidanka u samaysanaya wiiqida amniga shacabka Jamuuriyada Somaliland oo Farmaajo kow ka yahay.Mudane Cirro,waxa uu soo shaac baxay xidhiidhkiisa cadawga Somaliland,kulankii qarsoodiga ahaa ee uu Nairobi kula yeeshay Madaxwayne Farmaajo,isagoo waliba ah marka laga tago Murashaxa Xisbiga Waddani, gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland. Madaxwaynaha Xamar,Farmaajo waxa uu waraysi Kalsan Tv uu siiyay ku sheegay,in Mudane Cabdiraxman Cirro,Nairobia shir kuwada galeen,kuna balameen in ay ka wada shaqeeyeen soo celinta midnimadii lagu hungoobay,taasi oo micnaheegu yahay majaxaabinta Jamhuuriyada Somaliland.
Hadaba,waa iga suaale,Mudane Cirro miyaanu jabin dhaartii dastuuriga ahayd ee uu ku dhaartay “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”
W/Q Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso